Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey in Shidaal aan yareyn laga helay degaanka Baha-Dhamal ee degmada Salaxley, Gobolka W/Galbeed. kadib markii Ceel Biyood halkaasi laga qodayay uu isu bedelay shidaal ceydhiin.
Arrintan oo shalay oo dhan si weyn loogu hadal hayay Baraha bulshada, iyadoo muuqaallo ku saabsan Dareere madow oo ka socda Ceelkaasi lasoo bandhgay, ayey arrinta shidaalka la heley ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland.
Wasiirka Tamarta iyo macdanta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi ayaa goor dhoweyd uga dhawaaqay in shidaal Baaxad leh laga Helay Deegaanka Salaxley xilli laga qodayey Ceel Biyood.
