Somaliland ayaa shaacisay in qofki ugu horeeyay uu degaanadeeda ugu dhintay Cudurka Coronavirus.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar C/llaahi ayaa shaaciyey qalabta in 3 qof oo cusub laga helay 36 kiis oo baaritaan loo diray, iyadoo natiijada ay soo gaartay shalay sida uu yiri.
Qof karaantiil ku jiray oo looga shakisnaa cudurka, kuna geeriyooday magaalada Boorame ayaa la xaqiijiyey inuu qabay cudurka Covid-19, waxaana wasiirku uu sheegay in cudurka heer cusub uu gaaray, haddana dabagal lagu hayo dadka la kulmay dadkii cudurka laga helay.
Tirada guud ee dadka qaba cudurka degaanada Somaliland ayaa iminka gaareysa 9 qof, iyadoo qof u geeriyooday; waxaana ka bogsootay 3 ruux.
