Maamulka Somaliland ayaa eedeyn kulul u jeediyey dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeyso dagaalka saaka mar kale ka qarxay Gobolka Sool.
Warsaxaafadeed uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/llaahi Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa lagu sheegay in dagaalka ay guuldarro weyn iyo jab kala kulmeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya sida hadalka loo dhigay.
Somaliland ayaa u muuqata inay is moogeysiineyso dagaalka kala dhaxeeya maamul Goboleedka Puntland oo ay arrinta dusha u saareyso dowladda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

![Somaliland oo si kulul Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay dagaalka ka socda Gobolka Sool [War-saxaafadeed]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/03/Af-barwaqo.jpg)