Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Somaliland oo si kulul uga jawaabtay war kasoo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya

    Somaliland oo si kulul uga jawaabtay war kasoo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya

    February 15, 20175 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamulka Somaliland ayaa jawaab kulul ka soo saaray war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa heshiiska Imaaraadka Carabta ee maamulka Hargeysa u ansixiyay saldhig ay ku yeelato magaalada Berbera.

    HOOS KA AKHRI QORAALKA

    Somaliland waxay si weyn ula socotaa in Xukuumadda ka talisa Villa Somalia ay si toos ah iyo si dadbanba gacanta ugula jirto arrimo ka dhan ah Nabadda, Wada-jirka, Horumarka, Danaha Dhaqaale iyo kuwa Siyaasadeed ee Qaranka Somaliland.

    Dawladda iyo Shacabka JSL waxay og yihiin si weyna isha ugu hayaan fadqalalooyinka qorshaysan ee ay Xukuumadda Xamar soo abaabulayso taasoo ay uga dan leedahay in khal-khal lagu geliyo Nabadda, Deganaanshaha, Horumarka iyo Dimuqraadiyadda ka hana-qaaday Somaliland. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si cad oo aan gabasho lahayn ugu foogan tahay carqaladaynta tallaabo kasta oo uu Qaranka JSL xagga wanaagsan u qaado.


    Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa hadalkii Riyada, Indha-adayga iyo Meel-ka-dhacaba ahaa ee ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya (14.02.2017-ka), taasoo ay si qaawan oo aan xishood lahayn ugu faro gelisay Heshiiska dhex maray Dawladaha Jam. Somaliland iyo Imaaraatka Carabta ee la xidhiidha Saldhiga Milatari ee laga hirgelinayo Marsada Caalamiga ah ee Berbera.

    Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya waa mid gef, meel ka dhac, faro-gelin iyo aflagaadaba ku ah Qarannimada iyo jiritaanka Jam. Somaliland iyo shacabkeedaba. Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya wuxuu ahaa hadal si toos ah loogu faro-gelinayo nabadda iyo degenaanshaha Somaliland oo salka ku haya hurin colaadeed, iska horkeen shacab iyo aafo la kala dhex-dhigo Ummadda Jam. Somaliland ee ku sifowday samaha iyo nabad ku wada noolaanshaha.

    Sidoo kale, Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya wuxuu ahaa mid eedo culus loogu soo jeedinayo isla markaana lagu weerarayo Dawladda Imaaraatka Carabta. Xukuumadda Soomaaliya waxay Dalka Imaaraatka Carabta ku sifaysay Dawlad faro-gelin joogto ah ku haysa geyiga Soomaaliyeed isla markaana gashay heshiis sharci darro ah. Xukuumadda Soomaaliya waxay Dalka Imaaraatka Carabta si qaawan ugu eedaysay in Dawladda Imaaraatku ay ku hawlan tahay kala qaybin, kala qoqobis iyo xasarad-oogis ay ka wado geyiga Soomaaliyeed isla markaana ay mar walba duullaan qaawan ku soo qaadayso dalka iyo degelka Soomaaliyeed.

    Waxa xusid mudan in dawlada imaaraatka carabtu ay tahay dawlad hiil iyo hooba marwalba la garabtaagan dalka soomaaliya, isla markaana ka caawisay dhinaca horumarka, binu-aadanimada iyo dhisitaanka dawladnimada soomaaliya loo dhisay. Sidaasi darteed hadalkan ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya ee ay ku eedaysay in dawlada imaaraatka carabtu ay soomaaliya qas ka wado, waa mid abaal gad ku ah samaha iyo waxtarka ay dawladda imaaraadka carabtu u geysatay dalka soomaaliya.

    Xukuumadda ka talisa Villa Somalia waxaanu leenahay: “Jam. Somaliland waa dal madax bannaan oo aan sinaba uga mid ahayn maamul goboleedyada gacan-ku-rimiska ah ee hoos yimaada waxa loogu yeedho Nidaamka Federaalka. Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland maaha wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse waa mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka ay qaateen shacbi-weynahayagu. Dawladda Jam. Somaliland oo ku fadhida codka iyo kalsoonida shacabka ayaa xaq u leh inay gasho oo ay sexeexdo heshiis kasta oo Caalamiga ah oo ay ku jiraan danaha iyo masaaliixda dalka iyo dadka JSL.”

    Somaliland waa dal muddo dheer ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taam ah oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee ummaddayadu ay dhaqanka u leeyihiin kaasoo ah wada-tashi, is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag. Xukuumadda ka talisa Villa Somalia waxaanu leenahay: “Shacabka iyo Dawladda Somaliland cidina uma yeedhiso sida ay doonayaan iyo waxa ay yeelayaan. Anaga ayaa leh go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu.

    Heshiiska ay Dawladda Imaaraatka Carabtu Saldhiga Milatari kaga dhisanayso Marsada Caalamiga ah ee Berbera haba yaraatee maaha mid Xukuumadda Soomaaliya loo daba fadhiisanayo, meeli uga bannaan tahay ama ay wax ka bedeli karto.”

    Jamhuuriyadda Somaliland waxay u aragtaa in danta iyo maslaxadda Ummadda ku hadasha Afka-Soomaaliga ee ku dhaqan Geeska Africa ay ku jirto Xasarad la’aan, Is xaq dhowr iyo in lagu wada noolaado Nabad, Niyad sami iyo Deris wanaag. Colaado sokeeye, Cadaalad daro iyo Caqli gurracani waa arrimaha Soomaali kala irdheeyey ee dhex dhigay aafada, aramida iyo utunta ilaa haatan aloosan. Hore ayaa loo yidhi “Belo daaman la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto maleh’’.

    Dawladda Somaliland waxay ka digaysaa in dib loo huriyo colaado uu dhiig ku daato iyo dadka dhibaato la dhex-dhigo.

    Guntii iyo geba-gabadii, Dawladda Jam. Somaliland waxay baaq dheer u diraysaa Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta, Urrurka Dalalka Islaamka iyo dhamaanba Dalalka ku Midoobay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa inay si cad wax uga qabtaan fara gelinta qaawan ee ay Dawladda Soomaaliya ku hayso arrimaha Jam. Somaliland.

    Bulshada Caalamka waxaanu u sheegaynaa in Xukuumadda Muqdisho ay ku hawlan tahay qorshe dhagaraysan lagu khal-khal gelinayo Qarannimada, nabadda iyo deganaanshaha Jam. Somaliland. Bulshada Caalamka waxaanu uga digaynaa hurinta colaado hor leh oo uu dhiig badani ku daato iyo dadka oo dhibaato la dhex-dhigo. Falalka dhagaraysan ee ay wado Xukuumadda aan xil-kaska-ahayn ee Muqdisho ka dhisani waa kuwo Gobolka Geeska Afrika ku keeni kara colaado hor leh iyo degenaansho la’aan baahsan oo aan cidna dan u ahayn.

    Xuquuqda aasaasiga, Xuduudaha, Danaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan, ummaddayaduna waxay mar kale diyaar u yihiin in ay nafta u huraan difaaca dhulkooda hooyo.

    Berbera Imaaraadka Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Dagaal u dhaxeeya ciidamada huwanta iyo Alshabaab oo ka socda Camaara
    Next Article XOG CULUS: Madax iyo Shaqaale ka tirsanaa maamulkii Xasan Sheekh Hanti kala baxay Villa Somalia

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo