Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Somaliland oo si yaab leh u difaacday masaafurinta ka socota Laas-caanood (Qoraal ay u dirtay beesha Caalamka)

    Somaliland oo si yaab leh u difaacday masaafurinta ka socota Laas-caanood (Qoraal ay u dirtay beesha Caalamka)

    October 5, 2021Updated:October 5, 20212 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa difaacay dadka laga barakiciyey Laascaanood, kuna sheegay xaalad Amni, markii ay halis ku noqdeen dadka degaanka.

    Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah uga hadlay markii ugu horeysay dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee laga soo masaafuriyey magaalada LaasCaanood ee Gobolka Sool.

    Qoraal laba bog ka kooban oo wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ugu talogashay wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu bilaabay cambaareynta hadal kasoo yeeray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo cambaareeyay falka foosha xun ee lagula kacay dadkii ku noolaa Laas Caanood.

    “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu doortay inuu gudbiyey akhbaaraad aan sal iyo raad laheyn iyo eedeymo ku saabsan arrimo la xiriira go’aanka sharciga iyo lagama maarmaamaanka ah ee dowladda Somaliland ay ku masaafurineyso shakhsiyaad gaar ah, oo si aan sharci aheyn ku deganaa degmada Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland.

    Qoraalka Somaliland ayaa lagu difaacay dadka boqolaalka ah ee laga soo raafay Gobolka Sool, taasoo loogu qiil sameeyay inay ahayd xaalad amni, dadkaasina ay halis ku ahaayeen dadka degaanka oo dalbaday in laga saaro, kadib falal amni darro oo halkaasi ka dhacay.

    “Warbixino sirdoon iyo la-tashiyo ayaa bixiyey tilmaamo cad oo ah in shakhsiyaadkan ay halis gelinayeen ammaanka bulshada deegaanka. Sidaas darteed, dowladda Somaliland waxaa qasab ku noqotay inay tallaabo qaado, balse hab si buuxda u ixtiraamaya xuquuqda aadahana dhinacyada, oo ay ku jirto cunno, biyo iyo gabbaad ku-meel gaar ah, iyo ayada oo aan waxyeello hanti iyo mid shakhsi la gaarsiin.” ayaa ka mi dhaa qoraalka.

    Somaliland waxay ku dooday in dadka ay kasoo saartay Laas caanood ay yihiin shaqsiyaad, ayna u fidisay taageero hooy, cunto iyo dhowris ah, iyadoo dhowreysa xuquuqda aadanaha, isla markaana raaceysa xeerarka caalamiga ah.

    Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland wuxuu intiisa badan ahaa is difaac iyo weerar ay ku qaadey dowladda Soomaaliya oo ay ku tilmaantay dowlad aan dalkeeda maamulin, dadkeedana waxba u qaban karin.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    Laascaanood Masaafurin Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxtooyada oo shaacisay kulan gaara oo dhex maray Farmaajo iyo Abiy Ahmed
    Next Article Maxkamadda Sare ee Puntland oo mar labaad Toogasho ku xukuntay 8 Qof oo Shabaabnimo loo heysto

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo