Guddida hortaga cudurka COVID19 u qaabilsan Somaliland oo Gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa soo saaray go’aano cusub oo lagu xirayo masaajidda degaanada maamulkaasi.
Qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 15-ka April muddo 4 toddobaad ah aan lagu tukan masaajidda, dadkuna ay guryahooda ku tukadaan salaadaha, si looga baaqsado faafitaanka Coronavirus, iyadoo mu’adiniinta la faray inay aadaanka ku daraan oraahda ah ‘Ku tukada Guryahiina’.
Waxaa kaloo Guddiga uu waqti dheerad ah ku kordhiyey xirnaashaha dhammaan Goobaha Waxbarashada iyo xuduudaha Somaliland.
HOOS KA AKHRISO
