Maamulka Somaliland ayaa war cad kasoo saaray Doorashooyinka Soomaaliya, waxayna u caddeysay in beesha caalamka inaysan wax shaqo ah ku lahayn Doorashadaasi.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEED
Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qarammada Midoobay. Midawga Africa, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka h ee soomaaliya.
Jamhuuriyada Somaliland waxa ay 18-kii may 1991, la soo noqotay gobonimadeedii luntay 1960kii, Soddon sano kadib, somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbigu doortaan cidda ku matalaysa golayaasha fulinta (Xukuumadda), sharci dejinta (G/Baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose, si xor iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah.
Sidaa daradeed dawladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay uga digaysaa maamulka iyo siyaasiyiinta soomaaliya Sheegashada beenta iyo khiyaaliga kudhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka.
Ugu dambayn Somaaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.
