Somaliland ayaa war kasoo saartay kulankii magaalada Addis ababa ku dhex maray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
War-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay uga mahadcelinayso Dawladda Federaal-ka iyo shacabka Itoobiya sidii maamuuska lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa.
“Somaliland waxa ay soo dhowaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah…. Madaxweynaha Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Somaliland iyo Somaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika…” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Afhayeenka madaxweynaha Somailand Maxamuud Warsame Jaamac.
“Wada-hadal iyo nabad waarta waxay ku imanayaan Soomaaliya oo ka waantowda been abuurka, caddaawadda, iyo colaadda ay u hayso shacbiga Somaliland iyo horumarkooda…” ayaa ka mid ahaa qoraalka kasoo baxay Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland.
Warkan ayaa ka danbeeyay socdaalka Muuse Biixi ku tegay Addis ababa iyo dowladda Somalia oo soo dhoweysay inuu aqbalay wadashaqeyn dhow oo dhex marta dowladda Somalia, taasoo aan lagu soo hadalqaadin war-saxaafadeedkan.