Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee Maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ay xabsi Gaaraya lix bilood ku xukuntay haweeney lagu soo eedeeyay inay Gurigeedaku goglatay firaash leh midabka Calanka Soomaaliya .
Marwo Degan Cumar Daahir ( Degan Miiraash) ayaa oo kasoo jeeda Boorame ayaa muddo laba bilood ah magaalada Hargeysa ugu xirneyd inay gurigeeda ku goglatay calanka buluuga ah ee Soomaaliya, iyadoo ay soo xireen ciidamada Nabadsugidda Somaliland ee gaarka ah.
Degan Miiraash ayaa ah Hooyo dhashay afar caruur ah, waxaana arrinteeda ay hadalheyn badan ka dhalisay Somaliand iyo Soomaalida, kadib markii lagu qabsaday in qolkeeda hurdada e ku sharaxatay dhar ka sameysan Calanka Soomaaliya kadibna sawirro ay ka qaaday ku faafisay baraha bulshada.
Hore muuqaal Degan kasoo duubtay gudaha xabsiga Hargeysa ayey ku adkeysatay inay markasta ku celcelin doonto ha noolaato Soomaaliya cid wax ka qaadaysaana aanay jirin.
