Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis ababa ku kala saxiixay heshiiskii Adeegga Fawada ee labada dal oo dib loo soo celinayo, lana cusbooneysiinayo.
Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal iyo dhigeeda Itoobiya Dagmawit Moges ayaa goobjoog u ahaa munaasabadda saxiixa heshiiska cusub oo ka dhacday Addis Ababa.
Heshiiska Adeegga Hawada (ASA) ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay, isagoo markii ugu horeysay dhaqan galay 3-dii December 1988-dii, waxaana lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada.
“Heshiiskan 1988-dii ayaa horay loo saxiixay, maadaama 35-sano ay ka soo wareegatay, waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigan la joogo.” ayey tiri wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Xil. Fardowsa.
Waxay intaa ku dartay in heshiiskan uu horumarinayo iskaashiga iyo khibrad wadaagga dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada labada dowladood ee Soomaliya iyo Itoobiya.
