Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay maanta 52 sano kadib loo dooranayaa inay ka mid noqoto dalalka xubnaha ka ah Golaha Amniga Qaramada Midoobay.
Khamiista maanta ee 6-da June 2024, waxaa kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay lagu dooranayaa Shanta Kursi ee xubinimada Golaha Ammaanka iyadoo kursiga Afrika ay ku fariisan doonto Soomaaliya oo ay xilkan ugu danbeysay sanadihii 1971-1972.
Kursiga wareega ah ee Afriak waxaa hadda ku fadhida dalka Mozambique, waxaana iyadoo aan tartan lala gelin la wareegaysa Soomaaliya oo Midowga Afrika u sharxay kursigan, ayna u tanaasuleen dalalkii la tartami lahaa ee Tanzania, Mauritius iyo Madagascar.
Soomaaliya oo ka mida shan dal oo maanta loo doornayo ka mid noqoshada Golaha Amniga waxay xilalka qaban doonaan 1-da Janaayo 2025, waxayna xilka hayn doonaan illaa 31-ka December 2026-ka.
Waxaa magaalada Newyork ee dalka Mareykanka arrintan darteed ugu sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, waxayna dowladda Soomaaliya uga dhigan tahay inay xaqiijisay guul diblomaasiyadeed iyo maqaam sare.
Ergada Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay ayaa la kordhin doonaa si loogu diyaar garoobo shaqada adag ee laga rabo dal ka mida Golaha Amniga, waxaana NewYork a geyn doonaan diblomaasiyiin cusb oo la siin doono tababar 6 bilood ah sida uu sheegay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Cali Balcad.
Somaliya waxay isu aragtaa inay leedahay maqaamka dal Afrikaan ah oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta (LAS) iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), taasoo ka dhigeysa inuu qaadan karo dhexdhexaadiye heer gobol iyo caalami ah xilligan.