Wakaalada Wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA ayaa dib uga noqotay, isla markaan sixid iyo raaligelin ka noqotay war si weyn loola yaabay oo ay ka qortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wakaalada ayaa sheegtay in warka ay qortay aanu gebi ahaanka kasoo yeerin madaxweynaha, waxayna raaligelineeda u dhigtay sida soo socota:
Wakaaladda Warraka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA waxay raaligelin buuxda ka bixineysa war si khaldan ugu soo baxay bogga wakaaladda oo lagu sheegay inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka digay kacdoon shacbi.
Waxay wakaaladdu cadeyneysaa inaanu Madaxweynaha hadalkaasi ka soo yeerin, balse hadalka saxda ah ee uu sheegay uu ahaa isagoo la hadlayey Haweenka Soomaaliyeed inay xuquuqdooda ku raadiyaan qaab waafaqsan sharciga iyo kala dambeynta.
HOOS KA AKHRI WARKA AY QORTAY SONNA
Warkan oo ay qaateen boqolaal warbaahin Soomaali ah ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray, waxaana Wadani.com ay hore u iftiimisay khaladka weyn ee SONNA ku kacday oo laga yaabo inuu ku lug leeyahay xaaladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo farsamo xumo ka jirta wakaalada.
Akhri: Qormada Wadani ee warka ay SONNA ka qortay Madaxweynaha
http://goobjooge.com/sonna-oo-war-yaab-leh-ka-qortay-xasan-sheekh-madaxweynaha-oo-ka-cabsi-qaba-kacdoon-shacbi/
Wadani.com