Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa xaflad casho-sharaf soo dhoweyn iyo sagootin iskugu jirtay ku kala maamuustay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirkii hore Yuusuf Garaad Cumar Axmed.
Xaflad waxaa hadallo ka jeediyey labada Wasiir ee xilka ku kala wareegi doona, waxayna ka hadeenĀ sida laga maarmaanka ay u tahay u adeegidda dalka, dadka iyo ilaalinta danta qaran oo la waafajinayo siyaasadda dibadda, waxayna wada tilmaameen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ka guul keenidda ajandayaasha xaqiijinaya horukaca iyo taabagalka Soomaaliya oo nabad ah oo barwaaqo ah.
Xafladdan cashada ah ayaa kulmisay Safiirro, Wasiirro hore, diblomaasiyiin iyo dad ka dhex muuqda qeybaha bulshada, waxa ayna ku idlaatay jawi guul leh.