in ka badan 44 qof oo qaxooti muhaajiriin ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo ka dahacay duleedka magaalada Tribobi ee dalka Liibiya, iyadoo 80 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana soo baxaya faahfaahin ku saabsan qasaaraha weerarkaasi ka dhashay.
Shaqaalaha gargaarka ayaa daad gureeyay meydadka tirada badan, waxaana goobta laga qaaday dhaawacyada oo qaarkood aad u liiteen, waxayna dadka muhaajiriinta ah u dhasheen dalalka Afrika sida Nigeria Eritrea, Somalia iyo dalal kale.
Waxaa la xaqiijiyey in Soomaali gaareysa 9 qof ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, iyadoo laba ka mida uu dhaawacoodu yahay mid culus, sida ay sheegeen dad Soomaali ah oo ku sugan magaalada Triboli.
Dowladda Libya ee fadhigeedu yahay magaalada Triboli ayaa sheegtay in weerarkan ay ka dambeeyeen ciidamada uu hoggaamiyo Jeneraalka Khalifar Haftar oo ay taageeraan dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta.
Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta lagu hayay dadka muhaajiriinta ah ee Libya. Halka kooxda Jen. Haftar ay beeniyeen warkaasi iyagoo dusha u saaray dowladda Liibiya.
Q/Midoobay, Midowga Afrika, dowladda Liibiya iyo ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa dalbaday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo ciddii ka dambeysay weerarka lagu laayey dadka qaxootiga ah.