Soomaali laga soo tarxiilay dalka Mareykanka oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa dib loogu celiyay Mareykanka kadib markii la sheegay in cilad farsamo ay ku dhacday diyaaradda.
Dowladda Mareykanka xaqiijisey in diyaarad sidey 92 qof oo Soomaali ah oo laga masaafuriyay dalka Mareykanka ay ciladk u timid iyadoo ka degtay Magaalada Dakar ee dalka Senegal, iyadoo kadibna dib ugu laabatay dalka Mareykanka.
Soomaalidan Mareykanka ayaa laga kala qabatey meelo kala duwan oo dalka Mareykanka iyadoo loo masaafurinayey Somalia, basle dib looga soo celiyey Mareykanka. War kasoo baxay Waaxda Socdaalka iyo xududaha Mareykanka ayaa sheegtey in cilado farsamo oo dhacay awgeed dadka dib loogu soo celiyey, Haddaba.
Waaxda ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda siday dadkaasi ay cilado ku timid xilli ay hawadda ku jirtay , isla markaana ay go’aansadeen in dadkaasi dib loogu soo celiyo gudaha Mareykanka oo markii hore laga tarxiilay.
Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Trump Boqolaal Soomaali ah oo Sharci daro ku jooggay dalka Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay Soomaaliya.