Xildhibaan Cabdirisaaq Cali Xasan oo isagu ka tirsan golayaasha deegaanka ee gobolka Hedmark iyo magaalada Stange dalka Norway ayaa waxaa markii labaad loo doortey in uu muddo afar sano ah in xubin ka noqdo gudigga garsoorka ee isla gobolkaasi Hedmark.
Go’aankan lagu doortey xubintan Soomaaliga ah ayaa timid ka dib shir ay dhawaan yeesheen golaha deegaanka ee magaalada Stange oo ay ka yeesheen cidii u matali laheyd gudiga golaha garsoorka ee gobolkaasi.
Mudane Cabdirisaaq Xasan ayaa asagu xilkaan horey u qabtey sanadkii 2012kii isagoo hayey muddo afar sano ah, waxaana uu xilkaan sii hayn doona ilaa sanadka 2020ka.
Doorashadaan uu uga mid noqonayo golaha garsoorka gobolka Hetmark oo ka mid ah gobolada ugu balaaran dalka Norway xubin asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa imaaneysa xilli ay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan guud ahaan dalkan Noway ay la jaha wareersantahay go’aanno si is daba jooga uga soo baxey hay’daha garsoorka iyo soogalootiga kuwaas oo iyagu la xiriira dhinaca sharciyadda.
Xildhibaan Xasan ayaa waxaa kale oo uu ka sokoow xilalka garsoorka ee gobolka iyo xubinimadiisa golaha deegka ee gobolka Hedmark uu hayaa xilal kala duwan oo isgu jira kuwo heer gobol iyo heer dagmo ee dalkaasi Norway.
Wadani.com