Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Soomaali Siman, haddana kala Mudan (Aragtida Yuusuf Garaad)

    Soomaali Siman, haddana kala Mudan (Aragtida Yuusuf Garaad)

    October 17, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    yusuf-garaadDowladda Soomaaliya iyada ayaa goosatay istaraatiijiyad ku dhisan midnimo iyo in aan la aqbalin in dalka la kala gooyo.

    Sidaa darteed, dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku jira loollanka aan sahlaneyn ee siyaasadeed ee Muqdisho yaalla, gaar ahaan kuwa u hanqal taagaya xilalka Federaalku waxay mudan yihiin in saamigooda ama ugu yaraan in ka daba dhow ay helaan.

    Inkasta oo ay kaabayaasha siyaasadda ee reer Koofureedku uu haysto aanay ayaga u dhammeystirneyn, haddana waa in loo tixgeliyo xuquuqdooda muwaaddinnimo oo la siman muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed. Weliba xilalka keliya ma ahan ee waa in lala wadaagaa deeqaha waxbarasho iyo takhasusyada maamulka iyo amniga.

    Haddii la gacan bidixeeyo, waxay dhibcaha u sii kordhineysaa kuwa u ololeeya gooni isu taaggu in ay u quus gooyaan qofkii innaba rajo ka qabi lahaa midnimo.

    Dhanka kale, ruug caddaaga reer woqooyi ee xilalka Qaran ee xag diblomaasiyadeed, xag amni, xag maamul iyo xag siyaadeed soo heyn jiray muddada dheer ee hadda ku sugan caasimaddu waxay mudan yihiin ka warqab, daryeel iyo ka talo gelin arrimaha dalka, siiba kuwa woqooyi.

    Waa dad iyaga oo heli kara sida ay Soomaali badani sameysay in ay degaannadooda oo nabad ah ay ku noolaadaan, ka door biday in ay ka shaqeeyaan ama ay astaan u ahaadaan midnimada. Kuwaas oo qaarkood ay ku nool yihiin Hoteello. Qaarna ay naftooda ku waayeen. Kuna darso, ma ahan dad sugaya ama u diyaar ah in xilal loo magacaabo. Qaarkood nooc ay tahayba hore ayay u soo arkeen iyada oo tan maanta ka aqood iyo sharaf badan.

    map of SomaliaIsmaaciil Buubbaa oo ilaa horraantii sagaashamaadkii ka shaqeynayay midnimo, kana qeyb galay ku dhowaad shir kasta oo Soomaali ay isugu timid, noqdayna Ra’iisal Wasaare ku xigeen, dhowrjeerna Wasiir noqday ayaa ka huleelay Muqdisho. Waxaa ka horreeyay Axmed Samatar oo in badan u dooday midnimo, ahaa Xildhibaan Federaal ah, marna isu taagay Madaxweyne.

    Cali Kahaliif Galaydh isaguna wuxuu ku tilmaamay in kala go’a dalku uu ka socdo Muqdisho.

    Ma ahan in aan qiil u sameynayo Samatar iyo Buubbaa, muddicise kuma ihi. Sidoo kale, ma doonayo in aan halkan ku lafa guro sida ay aragtida Galaydh sax u tahay ama aanay u ahayn.

    Weliba waxaan qabaa in sababaha ay labada mas’uul ee hore ay u faleen waxa ay faleen, Galaydh-na uu u yiri waxa uu yiri, aanay ahayn kuwo isku xaalad ah ama isku dan iyo ujeeddo ah, laakiin waxaan tuhunsan ahay in si uun la isu waafajin karo. Aragtideyda, waxaa dhammaantood ka dhex muuqda quus ama quus ku dhowaad mashruuca midnimada oo ay saddexduba si buuxda u aamminsanaayeen.  Nin wax tari lahaa midnimada laakiin ka calool goostay waxba kuuma tareyso in aad ka gar hesho, haddii ay ujeeddadaadu tahay mudnimo.

    In Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhowaan loo magacaabay General khabiir ah oo degaan ahaan ka soo jeeda Woqooyi waa tallaabo horusocod ah, waanan bogaadinayaa. Laakiin weli fari kama qodna.

    Qormadan waxaan ku soo beegay xilli la hadal hayo in Dowlad Goboleedyadu ay kaalin ku yeeshaan soo xulidda xubnaha Baarlamaanka sannad ka dib howgeli doona. Waxaan ognahay in Dowlad Goboleedyadu ay ka dhisan yihiin koofurta oo keliya. Waxaan halis ugu jirnaa in aan yeelanno Baarlamaan ay xubnihiisa qaar ka mid ahi sheegtaan in la soo “doortay”, isuna arkaan in ay ka mudan yihiin Xildhibaanno safka dambe ah oo iyaga la soo “xulay”.

    Waxayna taasi heer Baarlamaan gaarsiin doontaa, kala duwanaan keeni karta kala mudnaan Koofur iyo Woqooyi. Taas oo ah waxa ugu muhiimsan ee ay doonayaan walaalaha Somaliland ee qiilka u doonaya in ay reer woqooyi oo wadajira ay u caddeeyaan in gooni isu taaggu uu uga badiyo midnimada.

    F. G. Somaliland waxaan ula jeedaa degaanka Gobollada Woqooyi ee Somaliya ee Ingiriisku gumeysan jiray ee xornimadana qaatay June 26, 1960. Somalia waxaan ula jeedaa Dowladda Soomaaliya.

    W/Yusuf Garaad

    Soomaali Siman Yuusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG CULUS: Xasan Muungaab oo ku gacan seyray dalab uga yimid Ra’iisal Wasaaraha iyo wasiirka Arrimaha Gudaha
    Next Article Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo war ka soo saartay shaqaalaha diyaaradii ku dhacday duleedka Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo