Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»SOOMAALIDA IYO FAKERKA DAWLADNIMADA

    SOOMAALIDA IYO FAKERKA DAWLADNIMADA

    April 18, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    walaayoWaxaa in muddo ahba gaar ahaan inta lagu jiray muddada burburka ii muuqaneysay in mujtamaca Soomaalida uu sii lumanayay tabarti uu ku hanan lahaa dawlad awood leh oo ku faaneyso dhamaan kalsoonida guud ee shacabka oo dalka hormarisa isla markaana si wax ku ool ah uga qayb qaadato hawlaha ka dhex soconaya mujtamacyada aduunka ee heerarka kala duwan.

    Marka laga reebo 10 sano ee dagaal-oogayaashu malayiin shacab ah ku laayeen dalka gaar ahaan caasimada min 1991 ilaa 2000, maamulka tuulada Carta, dalka Djibouti lagu soo dhisay sannadka 2000 ilaa maanta dawladda hadda xafiiska fadhida oo lagu sheegay in la soo doortay 2012, mar keli ah lama arag maamul qur ah ee shacabku mahadiyo oo aan ka aheyn been iyo ballamo sidii ay ahayeen u fula. Tusaale hiigsiga 2016 iyo sida uu u dhicisoobay iyo isbedelka lagu taamayay muddada dheer oo Madaxweynaha hadda xafiiska fadhiya doorashada ku soo galay oo aan ilaa hadda waxba ka soo naasa cadaan.

    Dadka isku sheega inay yihiin hoggamiyayaasha siyaasiyadda, maamulka dawladnimada waxay ka dhigeen oo kale sida ceel ay u soo arooraan reero raba inay biyo ceelka ka dhaansadaan galabtiina ka caraabaan ayadoo aanba, haba yaratee, qorshaha lagu darin sidii ceelka loo daryeeli lahaa loogana ilaalin lahaa inay biyuhu guraan si uu ceelku u abaadiyo oo looga manafacaadsado weligii oo dhaxal ahaan loogu gudbiyo jiilasha dhalan doona mustaqbalka. Waxa maamul wanaaga (Good Governance) meesheedii galay oo lagu bedelay (Neptism) qaraabo kiil (Cronyism) saaxiib iyo isticmaarka oo laga daba nashnashleeyo (Colonial stooges).

    [ad name=”HTML-1″]

     

    Qabki Soomaalida waxaa lagu bedelay quursi gobannimada ay lunto. Muddo ku siman 14 sano, waxaa shacabka Soomaalida soo maray dawlad-ku-sheegyo dhicisoobay oo muddo xafiiska fadhiyay oo aan haba yaratee wax dhaxal ah uga tagin dalka kana aruursaday xooga sandareerto ah kaddibna xafiiska baneeyay kuna wareejiyay xilka kuwa aan dhaamin. Booli aruursiga musuqa ku dhisan ka sokow, waxaa u badan sooryada laga soo qaato maryoweynta petro-dollarleyda Carbeed xoolahaas oo magaca shacabka lagu soo qaaday a seen soo gaarin shacabka masakiinta.

    Waxa jirta maahmaan Talyaani ah oo oraneysa: “Non vi e’ cibo di Re’ piu’ gustoso del pane” oo macnaheedu yahay: “Ma jirto cunto Boqorku cuno oo ka dhadhan fiican rootiga”. Rootiga boqorka iyo kaada waa isku mid oo waa isku dhadhdan sida darteed wax kasto aad quudaneyso xalaal ku cun inta aad ku cuni lahayd xaraan waayo xaraantu dhashaada ay dhibaato gaarsiineysa saa waxaad siisay sun iyo dhuunkaal.

    Dhabaha ay Soomaalida hadda ku socoto ma noqon doona mid dalka iyo dadka uga badbaadi karo cadaawaha raba inuu kala qaybsado waxaana shacabka Soomaalida la gudboon inay si daacad ah u heshiyaan una tashadaan oo dalka laga samata bixiyo inuusan xoriyadda waayin isla markaana la dhiso dawlad ka nasahan xumaan oo dadka iyo dalka ugu shaqeysa si mutadawacnimo ah inta lagu jirto waqtiga gurmadka.

     

    Wa Billahi Towfiiq

    W/Q: C/qaadir Maxamuud Walaayo

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-6″]

    [ad name=”HTML-1″]

    FAKERKA DAWLADNIMADA SOOMAALIDA
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Maxaa loo bedelay Afhayeenkii maamulka Gobolka Banaadir?
    Next Article XOG: Dhaawacyadii xarunta Tacliinta Sare oo dhaqaatiir looga waayay magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo