Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus uu kasocdo magaalada Baabil ee is maamulka Orromada Itoobiya, kasoo u dhaxeeya Soomaali halkaasi deganeyd iyo dadka Oromada ah.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid xoog leh ayaa ka socdo gudaha magaalada Baabili oo maamul ahaan hoos timaadda gobolka Oromada ayna wada degaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana lasoo weriyey qasaare xoog leh oo halkasi ka dhacay.
Dagaallada oo maalmahan si goosgoos ah uga socday tuulooyin ku hareereysan magaalada baabili ayaa wuxuu ku sii ballaartay magaalada gudaheeda oo maanta uu ka qarxay. Ilaa iyo hadda waxaa dagaalkaasi ku dhintay 6 qof dhaawac tira bandanna uu jiro waxaana burbur xooggan loo geystay huteellada iyo ganacsiga kale e ay Soomaalida ku lahayd magaalada baabili.
Maamulka deegaanka Oromada, kan Soomaalida iyo kan Federaalkaba kama aysan hadalin. Dagaalladaasi ayaa waxay maalmihi la soo dhaafay ka socdeen tuulooyinka Erer iyo Biisidiimo maantana waxay ku fideen gudaha Baabili.