Imaaraadka Carabta ayaa dagaal dhinaca baraha bulshada ah ku furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo kadib markii ay dowladda Soomaaliya si cad uga hor timid xadgudubka ay Imaaraadka ku sameysay jiritaanka Soomaaliya.
Dagaalkan oo intiisa badan ka socda Twitter-ka ayaa koox askar dhinaca internetka ah oo la sheegay in Imaaraadka uu kireystay ay bilaabeen inay furaan baro lagu aflagaadeeyo madxaweynaha Soomaaliya.
Barahan ayaa abuuray haldhigyo ama Hashtag ay ka mid yihiin in la rido madaxweyne Farmaajo, inuu Soomaaliya u yeelay weji xun oo macaluul ah inuu la safan yahay Dalka Qatar iyadoo la adeegsanayo sawirro muujinaya Soomaali macaluulsan oo lagu sheegay inuu madaxweynuhu dayacay dalkiisa.
Dagaalkan ayaa waxaa kashifay iyadoo la adeegsanayo luqadaha ingiriiska iyo Carabiga, waxayna Farmaajo ku sifeeyeen qaarkood Daalim iyo ereyo kale oo kasii fool xun, waxaana Imaaraadku u muuqdaa inuu ka quustay taageero uu ka helo madaxda sare ee dalka si uu ula wareego ilaha dhaqaalaha dalka, taasoo ku kaliftay inay dagaal u caddeystaan.
Haddaba waxaa arrintaas si weyn uga hor yimid Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadda Soomaaliya, waxaana baraha Bulshada Soomaaliya ka bilowday falcelin aad u weyn oo looga soo horjeedo dagaalka qaawan oo ay Imaaraadka Carabta bilowday.
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan dowladda Farmaajo ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay inaysan aqbali karin in Imaaraadka Carabta ay aflagaado u geysato madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna yiri
“Ma aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa”
Halkaan hoose ka akhriso qaar kamid ah dadkii ololaha Imaaraadka iyo sidii looga falceliyey:
سؤال موجه لعيال زايد هل اخترتم من يمثلونكم؟اذا كان الجواب لا!كيف لكم ان تتحذثوا ع حكومة اختارها الشعب كلة بالنسبة٩٩بالمئة؟ ما تستحوا. الحين الشاب الاماراتي حلمة ان يصبح رئيس بلدية بينما يحلم الشاب الصومالي بحث حل لشعبة و ان يصبح رئيس مثالي ل١٢مليون صومالي. #اهمال_الصومال_لشعبها pic.twitter.com/r0uQTkWOqx
— Walad habiib (@khurbaawi) March 8, 2018
#كلنا_مع_الرئيس_فرماجو #إهمال_الصومال_لشعبها. سيادة البلد وشرف الرئيس خط أحمر يامرتزقة. pic.twitter.com/SyoIH06iLa
— Zachy Ismael (@ZakarieIsmael) March 9, 2018
https://twitter.com/BoFaReH/status/972019207733948416
المصريون والمغاربة ينشرون دعايات وهاشتاغات رخيصة ضد رئيس جمهورية الصومال، الحقد العربي الطماع بدا يظهر حتي في سوشيال ميديا. نقول لهم موتوا بغيظكم. #كلنا_مع_الرئيس #إهمال_الصومال_لشعبها pic.twitter.com/96M7XUP6oR
— Zachy Ismael (@ZakarieIsmael) March 9, 2018
#إهمال_الصومال_لشعبها
شي المضحك من هدا الهاشتاقات ان معظم المغردين به من المغرب ! ومالنا وللمغرب ؟ pic.twitter.com/rhyykZq6cD— Abdirabi Ahmed Nasir (@AbdirabiNasir) March 8, 2018
كلاب تابعة للامارات تهاجم الصومال عبر هاشتاج #اهمال_الصومال_لشعبها
ارد عليهم بمجموعة بسيطة من الصور pic.twitter.com/vC9LUvEQsm— H.E AMIIR (@advamiir) March 8, 2018
https://twitter.com/wiznuur12/status/971823052148346886
في ظل رئاسة السيد #فرماجو
ما رأينا إلا كل خير
لأول مرة رئيس اجتمع عليه أطياف الشعب بيمينه ويساره إنجازات لم ير لها مثيل من قبل واستعادة للسيطرة على كثير من المناطق وبناء جيش نظامي قوي
ثم يأتي من يصادر آراء الملايين ويتكلم باسمهم قائلا👇#إهمال_الصومال_لشعبها#somaliawantfarmago pic.twitter.com/QIsvoDNSmE— Omar Abdulkadir (@faaruuq202) March 8, 2018
https://twitter.com/Midniom_Doon/status/971798033636708353
أتحدي لمن يغردون أن فرماجو فشل في مهمته "هل عندكم رئيس منتخب حتي يفشل أو لا! "
انتم عبيد وملك لأسرة حاكمة…. في حياتكم ما شفتم إنتخابات ولا دستور. #عبيد#اهمال_الصومال_لشعبها pic.twitter.com/HonCn8bL3A— Mohamed Dugoow (@MoDugoow) March 8, 2018

![Soomaalida oo si weyn u difaacay Madaxweyne Farmaajo & Dagaal Qaraar oo ka socda Baraha Bulshada [Akhriso Qoraallada]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/03/farmajo-tw.jpg)