Mas’uulkii ugu horeeyay ee kasoo jeeda Soomaalida Itoobiya ayaa loo magacaabay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya, kadib wareegto ka soo baxday Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed.
Mudane Aadan Faarax Ibraahim ayaa 1-da Aprul 2024 loo magacaabay inuu noqdo Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Madaxa Xafiiska Isku xirka Xarunta Dhismaha Dimuqraadiyadda Itoobiya, isagoo hore u ahaa Madaxa Xisbiga Barwaaqo iyo gudoomiyaha Golaha shucuubta Ethiopia.
Aadan Faarax ayaa noqonaya Soomaali-Itoobiyaankii ugu horeeyay ee xilkan ka qabta dalka Itoobiya, wuxuuna muddo dheer ku soo jirayn siyaasadda Itoobiya, lana soo shaqeeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.
Xilalka uu soo qabtay waxaa ka mida Afhayeenka baarlamanka fedraalka ah ee Itoobiya sanadkii 2020-kii, wuxuu kaloo noqday ku-xigeenka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida 2018-2020-kii. Sidoo kale Aadan Faarax ayaa Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ka soo noqday Madaxweyne ku xigeen.