Dowladaha Somalia iyo Talyaaniga ayaa kala saxiixday heshiis mashruux lagu dhisayo Biyo-xireenka magaalada Beledweyne, iyadoo muddo dheer uu dib u dhacay.
Mashruuca dhismaha biyo-xireenka Beledweyne ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 6 Milyan oo Euro, wuxuuna isugu jiraa dhismaha Biyo xireenka Beledweyne, dayactirka Jiinka iyo kanaalada Webiga Sahbeelle, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.
Waxaa hehiiska dhinaca Soomaaliya u saxiixay Sii-haya wasirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka dhinaca Talyaaniga uu u saxiixay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya
Heshiiskan oo muddo ka badan 4 sano la hadal hayey ayaa dib u dhacyo badan wajahay, waxaana hore loo shaaciyey inay dowladda Soomaaliya kasoo bixi weyday shuruudo ku xirnaa heshiiskan.




