Soomaaliya ayaa mar kale kaalinta koowaad ka gashay liiska dalalka ugu musuqa badan dunida ee aan waxba laga qaban madaxda ku dhaqanta musuqmaasuqa sanadkii 2017.
Warbixin sanadeedka ay soo saarto Hay’adda Caalamiga ah ee Transparency International ayaa Soomaaliya dhigtay mar kale halka ugu hooseysa liiska oo ah dalka ugu musuqa badan dunida, waxaana kaalinta labaad ku jira dalka Suudaanta Koonfureed, halka dalalka Siiriya, Afgahnistan iyo Yeman ay ku jiraan kaalimaha saddexaad, afraad iyo shanaad sida ay u kala horeeyaan.
Liiskan sannadlaha ah ayaa dhinacyada uu qiimaynta ka eego waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda oo xukuumadaha oo aan lagu ciqaabin musuqmaasuqa. Waxaa la filayay in xaaladda Soomaaliya ay kasoo reyso markii uu xukunta la wareegay madaxweyne Farmaajo oo doorashadiisii ku galay dagaal lagu qaado Musuqmaasuqa, taasoo u muuqata inaysan waxba iska bedelin.
TOBANKA DAL EE UGU MUSUQA BADAN DUNIDA WAXAA UGU HOREEYA DALKA UGU HOOSEEYA LIISKA
Country | ISO3 | Region | CPI Score 2017 | Rank | standard error | Lower CI | Upper CI | number of sources |
Korea, North | PRK | AP | 17 | 171 | 4.18 | 10 | 24 | 4 |
Equatorial Guinea | GNQ | SSA | 17 | 171 | 3.56 | 11 | 23 | 3 |
Guinea Bissau | GNB | SSA | 17 | 171 | 1.7 | 14 | 20 | 5 |
Libya | LBY | MENA | 17 | 171 | 3.05 | 12 | 22 | 5 |
Sudan | SDN | SSA | 16 | 175 | 2.31 | 12 | 20 | 7 |
Yemen | YEM | MENA | 16 | 175 | 1.85 | 13 | 19 | 7 |
Afghanistan | AFG | AP | 15 | 177 | 1.39 | 13 | 17 | 5 |
Syria | SYR | MENA | 14 | 178 | 1.93 | 11 | 17 | 5 |
South Sudan | SSD | SSA | 12 | 179 | 1.56 | 9 | 15 | 5 |
Somalia | SOM | SSA | 9 | 180 | 2.26 | 5 | 13 | 5 |
Warbixinta ayaa sheegtay in dalalka ugu fiican dunida ee aan musuqa ku yar yahay waxaa ugu horeeya dalaka:
1. New Zealand
2. Denmark
3. Finland,
4- Norway
5- Switzerland
6. Singapore,
7- Sweden
8. Canada
9- Luxembourg
10- Netherlands
11- Britain
12. Germany
Dalalka Scandanevian-ka ayaa kaalimaha hore weli heysta, iyadoo dalal badan oo Afirkaan ah aanay waxba iska bedelin xaalada musuqa ee ka jira.
Dalalka ugu musuqa badan dunida ee Soomaaliya ugu horeyso waxay u kala horeeyaan sida soo socota: [dalka ugu hooseeya ayaa ugu musuq badan].
Sanadkii hore waxay Soomaaliya heysatay 8 dhibcood oo ay isku mid ahaayeen Soomaaliya iyo Kuuriyadda Waqooyi, balse sanadkan waxay Soomaaliya heshay 8 dhibcood iyo halka ugu hooseeya, halka Kuuriyada Woqooyi ay sare u kacday oo ay heshay 17 dhibcood, Soomaaliyana ay sidaasi keligeed ku qaaday koobka musuqmaasuqa dunida.
169. Venezuela
170- Iraq
172. Libya
173 – North Korea
175. Yemen,
176- Sudan
177. Afghanistan
178. Syria
179. South Sudan
180. Somalia