Dowladda Soomaaliya ayaa gudbisay dacwadda badda iyo caddeymaheeda ka dhanka ah Kenya. Dacwadan ayaa gacanta laga saaray diiwaan-hayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda dunida xarunteda magaalada Hague, dalka Netherlands.
Dacwadda waxaa gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir oo ay wahliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr. Cali Saciid Faqi, Qareenka Soomaaliya u qaabilsan kiiska dacwadan Muna Sharmaan iyo Qareeno u doodaya Somaaliya waxaana guddoomay diiwaanhayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, Philippe Couvreur.
Dukumentiga iyo caddeymaha ay maanta gudbisay dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ka kooban yahay 150 bog, waxaana dowladda Kenya ay heysataa muddo 8 bilood ah inay ka jawaabto dacwadan oo qaadan karta waqti dheer.
War Saxaafadeed
The Hague, July 13, 2015 – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , waxaa ay maanta Maxkamadda Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague, dalka Netherlands, u gudbisay dacwad ka dhan ah Jamhuriyadda Kenya kuna saabsan soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Dowladda Soomaaliya waxay Maxkamadda weydiisatay in ay cayinto soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta India oo ay ku jiraan biyaha dalka, aagga dhaqaale ee gaarka ah, geyi-qaaradeedka iyo geyi-qaaradeed wixii ka baxsan 200 oo nautical mayl.
Dacwadda waxaa gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, oo ay wahliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Waddamada Benalux iyo Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi, Qareenka Soomaaliya u qaabbilsan dacwaddan, Muna Sharmaan, Qareenno iyo khubaro kale. Waxaa dacwadda guddoomay Diiwaanhayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, Philippe Couvreur.
Soomaaliya waxay rumeysan tahay in kiiskeedu uu ku qotomo sharciyad culus, waxayna Maxkamadda ka sugeysaa go’aan caddaalad ah.
Wasaaradda Arrimaha dibadda
Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]