Soomaaliya ayaa ka mid noqotay Isbaheysi looga dhawaaqay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga, kaasoo ka kooban dalalka Badda Cas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad ayaa Somaaliya uga qeyb galay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Golaha Wadamada Carabta iyo Afrika ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan ee Sucuudiga marti geliyey.
Wasiirrada ayaa waxa ay saxiixeen cahdiga golaha oo loogu gogol xaarayo si loo hordhigo Madaxda wadamada si ay u go’aamiyaan. Isbahaysiga cusub ee Dowladda Sacuudigu dhistay ayaa ka kooban 8 dal oo Carbeed iyo Afrikaan, waxa ay kala yihiin Soomaaliya, Boqortooyada Sucuudi Carabiga, Masar, Urdun, Suudaan, Yemen, Eritrea iyo Jabuuti.
Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa qaabilay shalau Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed iyo Afrikaan ee uu hareeyo Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo kala ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Sameh Shoukry, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee Boqortooyada Haashimiga ee Urdun, Mudane Ayman Safadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Eritrea, Mudane Osman Saleh, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Yemen, Mudane Mohammad Al-Hadhrami, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, Marwo Asma Mohamed Abdalla, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mahamoud Youssouf.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta la kulmay Dhiggiisa Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, waxa ayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.


