Soomaaliya ayaa guddoomineysa fadhiga 7-aad ee Golaha Guud ee Q/Midoobay, iyadoo Gudoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay uu yahay Danjiraha Soomaaliya u jooga xarunta New York ee Q/Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle).
Fadhiga Guud Q/Midoobay ayey madaxda caalamku ugay qeybgalayaan si Online-ka. Shirka waxaa sanadkan loogu hadlaya saameynta uu cudurka Corona Virus ku yeeshay Dunida, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay.
Sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed oo fadhiya xlay ka jeediyey khudbadii Soomaaliya, isagoo Muqdisho ku sugan, wuxuuna uga hadlay xaaladda guud ee dalka, Doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19.
Soomaaliya 41 sano kadib ka mid noqotay guddoomiye ku xigeenada Golaha Guud ee Q/Midoobay ee sanadkan oo waregiisa 75-aad uu furmay.

