Dowlado ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa xaq u yeelan inay cod ku yeesheen Golaha ugu weyn ee kulmiya dalalka Dunida oo ah Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Arrintan ayaa la sheegay inay ugu wacan tahay in Soomaaliya aysan bixin qaaraankii laga rabay ee xubinnimada Qaramada Midoobay, taasoo keentay inay noqoto dowlad xubin ka ah Q/Midoobay, balse aan wax cod ah lahayn.
Wararka ayaa sheegaya dowladda Soomaaliya lagu yeeshay qaaraan lacageed oo gaaraya 2 Milyan oo Doolar, waxaana Soomaaliya arrintan ku wehliya oo la mida dalalka Comoros, Guinea-Bissau, iyo Sao Tome and Principe.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu New York u joogo shirka 72aad ee Golaha Guud ee Q/Midoobay.
Wadani