Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay heshiisyo ganacsi oo ay lasoo gashay Turkiga shir dhowaan ka dhacay magaalada Ankara.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka warbixiyay heshiiska ganacsi ee ay la galeen dowladaha Turkiga, wuxuuna shir jaraa’id ka sheegay in dhiggiisa Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban dhowr qodob oo Turkigu ku qaadanayo wax soo saarka Beeraha iyo xoolaha dalka.
Wuxu uu caddeeyay in Turkigu qaadanayaan Muuska, Liinta iyo Sisinta, ayna isla meel dhigeen dalka Turkiga. Xoolaha ayuu sheegay in dhammaan xoolaha Soomaalida ay u bandhigeen Turkiga ayna labada dal ka wada shaqeyn doonan sidii loo dhoofin lahaa xoolaha.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in waxyaabaha Soomaaliya u dhoofin doonto Turkiga aan wax canshuur ah laga qaadi doonn, ayna ku heshiiyeen.