Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Suuqa Dhaqaalaha Dalalka Bariga & Koonfurta Afrika ee COMESA oo ah suuq ganacsi oo ay leeyihiin dalalaka Afrikada Bari,soona jiray muddo 24 sanadood ah.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Lusaka ee dalka Zambia uga qayb galay kulan madaxeedka 20-aad ee wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), iasgoo ayaa saxiixay xubinnimada Soomaaliya ee suuqaasi.
Madaxda ka qayb gashay kulan madaxeedka ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Khayre ku-biiridda Soomaaliya ee suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika, iyaga oo u ballan qaaday in ay babar istaagayaan dadaallada Soomaaliya ay dib ugu soo ceshanayso maqaamkii ay ku lahayd adduunka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xoghahaya cusub ee loo doortay in ay hogaamiso COMESA, Ms. Chileshe Kapwepwe oo xilka kala wareegtay xoghayihii hore Mr. Sindiso Ngwenya.
Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiiirrigeliya koboca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maal gashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardargelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.