Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Stephen Paddock: 64 sano jirkii Mareykanka ku laayay dadkii ugu badnaa taariikhda [Akhriso Taariikhdiisa]

    Stephen Paddock: 64 sano jirkii Mareykanka ku laayay dadkii ugu badnaa taariikhda [Akhriso Taariikhdiisa]

    October 2, 2017Updated:October 2, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Booliiska Maraykanka ayaa shaaciyay magaca qofka lagu tuhunsanyahay in uu dadka badan ku laayay magaalada Las Vegas ee dalkaas.

    Nin magaciisa lagu sheegay Stephen Paddock oo 64 jir ah, ayay booliiska sheegeen in uu mas’uul ka ahaa dilka 58 qof, isagoo dhaawacay 515 qof oo kale, taasoo falkan ka dhigtay kii ugu weynaa ee dad lagu laayo weerar qura taariikhda Mareykanka.

    Waxa uu kasoo jeedaa magaalada Mesquite ee gobolka Navada, wuxuuna rasaas oodda kaga qaaday dad daawanayay bandhig fanneed uu dhigayay musiigiistaha lagu magacaabo Jason Aldean habeenimadii axadda sii baxaysay.

    Waxa uu maalmo ka hor kireysay qol ku yaala dabaqa 32-aad ee hoteelka Mandalay Bay, halkaas oo uu daaqadda dadka kasoo toogtay. Markii ay booliiska galeen qolkii uu degenaa ayaa waxaa laga heley illaa 10 qoryaha darandooriga u dhaca.

    Booliiska waxa ay sheegeen in uu Paddock is diley markii booliiska ay hareereeyeen.

    Waa dhacdadii ugu xumeyd oo lagu laayo dadkii ugu badnaa oo Amerikan ah gudaha Maraykanka inta la xusuusto taariikhda. Bishii June ee sanadkii 2016-kii ayaa iyana la diley 49 qof toogasho ka dhacday magaalada Orlando ee Maraykanka.

    Madaxa ciidammadda booliiska Las Vegas Joseph Lombardo ayaa sheegay in falkan aanan wali lagu tilmaami karin mid argagixiso.

    Cod laga duubay xafladda ayaa waxa uu muujinayaa in Paddock uu isticmaalay qoryaha darandooriga u dhaca, kadibna diley 50 ka mid ah 22,000 qof oo halkaas isugu tagtay.

    Booliiska ayaa tagay gurigiisa , waxayna baarayaan caddaymo dheeraad ah. Guriga ayaa waxa uu ahaa mid ay dowladda dajisay.

      Qof haweenay ah oo ay guriga isla deganaayeen oo lagu magacaabo Marilou Danley oo ay markii hore booliiska sheegeen in ay raadinaan, ayay markii dambe sheegeen in laga shaki baxay.

     

    Eric Paddock oo la dhashay ninka falka gaystay ayaa warbaahinta u sheegay in uusan fahmi karin sababta walaalkiis ku kaliftay in uu falkaas ku koco.

    Sanadkii 2012-kii ayaa waxaa la sheegay in Paddock uu dacwad ku furay hotel lagu magacaabo The Cosmopolitan too Las Vegas ku yaala kadib markii uu meel kasoo dhacay, wuxuuna ku eedeeyay dayacaad. Balse 2014-kii ayay dacwadii la laabteen labadii dhinac ee ay quseysayba.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa tacsi u direy ehelka dadkii ku dhintay weerarka, una duceeyay kuwii ku dhaawacmay, isaga oo yiri “Alle ha idin barakeeyo”.

    Details about Las Vegas shooting suspect Stephen Paddock

     

    Las vegsas Stephen Paddock US Weerar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Qodobadda ugu muhiimsan Sharciga dhaqan galay ee Isgaarsiinta [Maamulka .SO/ 252…]
    Next Article Galmudug: Maxkamad Sare oo Lagula-dagaallamo Xildhibaanada ku kacsan Xaaf!!

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo