Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Su’aalaha aan jawaabaha loo haynin ee Diyaaradda la qarxiyay

    Su’aalaha aan jawaabaha loo haynin ee Diyaaradda la qarxiyay

    February 10, 20164 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhowaan diyaarad kuwa xamuulka ah, ayaa si dhakhso ah loogu dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka muuqdo duleel wayn oo qof rakaab ahna uu ka maqan yahay.

    Xoogaa kaddib mas’uuliyiin dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in diyaaradda bambo lagu qarxiyay laakiin su’aalo dhowr ah ayaan jawaabo loo helin:

    Yaa bamkaasi meesha dhigay?

    Mid ka mid ah jawaabaha lahayo ayaa ah in ninka looga shakisan yahay qaraxa uu yahay isla ninka rakaabka laga dhex waayay ee kaddibna la xaqiijiyay in uu dhintay.

    Laakiin ma ogin in arrintaasi xaqiiqo tahay.

    Qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda, ayaa sheegay in ninka la waayay lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdisalaan Boorle, uuna watay baasaboor Soomaali ah da’diisuna ay ahayd 55 sano.

    Isaga iyo in badan oo ka mid ah rakaabka kalaba, waxay ahayd in ay raacaan duulimaadka diyaaradda Turkish Airlines laakiin waa la baajiyay rakaabkiina, waxaa sidaas ku qaadday diyaaradda Daallo.

    Waxaa la isla dhex maray in ninkaasi uu gaariga curyaamada la socday marka uu diyaaradda raacayay laakiin madaxa shirkadda diyaaradaha ee Daallo Maxamad Yaasiin Colaad ayaa barnaamijka BBC-da ee News Day u sheegay in aan la diiwaangalin gaari curyaan oo diyaaradda lala raacay.

    Dadkii baadhitaanada samaynayay, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay u badan tahay in ninkaasi uu ka dhacay dhanka ay diyaaraddu ka duleesho ee uu qaruxu ka dhacay.

    Isla maalintaas nin mayd ah oo dhulka yaala, ayaa laga helay Balcad oo ah magaalo dhul beereed ah oo ku taalla ilaa 30km dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

    Laakiin wali qofkaas lama aqoonsanin.

    Bamka sidee ku gaaray gudaha diyaaradda?

    Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sii daysay muuqaal ay ku sheegtay in uu muujinayo(laptop) ama kombiyuutarka laabta la saaran karo, oo lagu wareejinayo qof rakaab ah kaddib markii uu soo dhaafay goobtii laamaha ammaanku ay ku baareen oo gudaha garoonka ah.

    Tan, waxaa arrintan loo fasirtay in waxyaabo qarxa lagu xiray laabtoobkaasi.

    Intaas kaddib dawladdu, waxay xirtay labaatan ruux oo ay ku jiraan shaqaalihii garoonka.

    David Learmont, oo ah khabiir ku takhasusay duulimaadyada, ayaa sheegay in laga shakin karo in muuqaalkan uu wax walba iftiiminayo.

    Barnaamijka BBC Focus on Afrika, ayuu u sheegay in uu u malaynayo in qofna uusan hubin in laabtoobkaasi lala kala wareegayo uu yahay bamkii ama wixii qarxay.

    Balse wuxuu intaas ku daray in shaqaalaha garoonku ay yihiin meesha ay ka nugul yihiin ammaanka garoomada adduunka oo dhan.

    Waa maxay sababta bamku uusan saamaynta badan u yeelanin?

    Duuliyihii diyaaradda, ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay in haddii diyaaraddu ay hawada sare ku jiri lahayd ay qarxi lahayd.

    David Denman, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha bambooyinka ayaa sheegay in walaxda qaraxda ee laabtoobka lagu xiri karo amaba midka taas ka sii yar ay sababi karto dhibaato wayn.

    Wuxuu sheegay in duleelka uu qaraxaasu sababo uu keeni karo dhib wayn haddii ay diyaarado ku jirto joog sare, arrintaas oo keenaysa in duleelku waynaado oo duuliyuhuna xakamayn waayo diyaaradda taas oo sababi karta in diyaaraddu cadcad u kala go’do.

    Laakiin taas badalkeeda qaraxu, wuxuu dhacay qiyaastii 15 daqiiqo kaddib markii ay diyaaraddu kacday iyada oo dhulka ka fogaatay 3,350 mitir.

    Arrintaasi, waxay sababtay in ay diyaaraddu gees ku yeelato duleel 1 mitir ah, laakiin duuliyaha ayay u suurtagashay in uu si nabad ah diyaaradda ku dajiyo.

    Su’aasha meesha imanaysaa ayaase ah waa maxay sababta uu qaraxu ugu soo beegmay xilligaas?.

    Suurtagal ma aha in la helo jawaabta su’aashaas, iyadoo aan lala hadlin dadkii qaraxaasi ku lug lahaa.

    Muxuu qofina u sheegan waayay masuuliyadda qaraxaasi?

    Cabdiraxmaan Koronto oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa tilmaamaya in la sheegan lahaa haddii ay saamayntu intan ka badnaan lahayd.

    Wuxuu intaas ku daray in ururka Al-shabaab ay saacado gudahood ku sheegtaaan marka ay wax qarxiyaan.

    Al-shabaab, ayaa qarax laabtoob loo adeegsaday gaysatay saddex sano ka hor. laakiin midkaasi dhacay saddex sano ka hor waxaa weheliyay qarax gaari loo adeegsaday waxaana ku dhintay lix ruux.

    Dhanka kalana, wuxuu sheegay in ay jiraan weeraro aysan cidina sheeganin. Bishii 12 ee sanadkii 2013 saddex dhakhtar oo Suuriyaan ah iyo qof la socday Soomaali ah, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah kaas oo ay Al-shabaab iska fogeeyeen.

    Isha: BBC

    Daallo Airlines Qaraxa daallo airlines
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO SAWIRRO: C/kariin Guuleed & Wasiir Odowaa oo dhagax dhigay Dekadda Hobyo
    Next Article Hillary Clinton oo laga badiyay & Trump oo guuleystay doorashadii New Hampshire

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo