Su’aallo badan ayaa ka dhashay Qarax magaalada Muqdsho maanta ka dhacay oo lagu dilay Xaashi Cumar Xasan oo ahaa Nin mudo dheer ku xirnaa Talyaaniga oo lagu waayey denbi loo heystay muddo 18 sano ah.
Qaraxan ayaa ahaa nooca lagu beegsado shaqsiyaadka, waxaana loogu xiray Gaari Noca Prado ah o uu watay, isagoo qaraxu ku qabsaday xilli uu mareyay xaafadda Macmacaanka, Waaxda Dhamme Yaasiin Cartan ee degmada Dharkeynley, isagoo u geeriyooday dhaawac halis ah oo qaraxa kasoo gaaray.
Ma jirto cid sheegatay qaraxa lagu dilay Marxuum Xaashi Cumar, inkastoo qaraxyada nooca lala beegsaday ay fuliyaan Alshabaab, taasoo keentay inay soo baxaan su’aalo badan oo k usabasan, cidda qarxiysay iyo sabbata loo beegsaday?
Xaashi Cumar waxaa la xaqiijiyey inuu ahaa qof shacab ah oo kala bar cumrigiisa ku qaatay xabsi ku yaalla Talyaaniga, kadibna markii uu xoriyadiisa iyo lacag magdhow helay, dib u bilaabay nolol caadi ah, isagoo markan la joogay hooyadiisa iyo qoskiisa oo deganaa meel u dhow goobta lagu qarxiyey.
Axmed Cumar oo la dhashay marxuum Xaashi Cumar ayaa sheegay inuu ahaa qof shacab ah oo muddo dheer dhibanaa, waxa ku dhacayna ay qornaayeen, balse aanay ogeyn cidda la beegsatay.
“Muddo ka badan 19 Sanno oo uu ku jiray Xabsi gardaro ah, waxa uu ka soo baxay xabsigii, Dalka ayuu ku soo laabtay. Waxa uu bilaabay howlo samafal sida ceel uu ka qoday Miyiga. Waxaa uu maanta u geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa magaalada Mogadishu ilaa haddana ma jirto cid sheegatay. Ma aheeyn Nin ku xiran koox siyaasadeed ama Dowlad” ayuu yiri Prof. Yaxye Caamir oo ka mid ahaa dadkii mudadda dheer u dooday inuu kasoo baxo Xabsiyada Talyaaniga.
Alshabaab ayaa maanta sheegatay mas’uuliyadda Qarax miino oo lagu dilay Maxamed Axmed Madoobe oo ahaa taliyaha rugta tadaamun ee ciidanka Daraawiishta ee Koonfur Galbeed ee deggan Afgooye, laakiin weli ma sheegin qaraxa lagu dilay Haashim Cumar.
