Kadib markii xalay lagu dhawaaqay inuu Muqdisho ku geeriyooday qofkii ugu horeeyay ee gudaha dalka ku qaaday cudurka Coronavirus, waxay Wasaaradda Caafimaadka shaacisay in la karaantiilay shaqaalaha caafimaadka wasaaradda, kadib markii laba ka mida laga helay cudurka COVID-19.
Labada qof ee shaqaalaha ah, kana tirsan Wasaaradda caafimaadka oo cudurka laga helay ayaa ahaa kuwii ka shaqeynayay xarunta loo diyaariyey karaantiilka iyo daweynta dadka uu cudurka soo rito, waxaana dhammaan shaqaalihii kale ee xiriirka la lahaa ama ay wada shaqeynayeen laga dalbaday inay 14 maalmood is karaantiilaan, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka caafimaadka.
Waxaa su’aalo badan oo qaarkood cabsi leh ay ka dhasheen qofkii ugu horeeyay ee gudaha Soomaaliya ugu dhintay Covid-19, kaasoo ahaa oday 58 sano jir ah, iyadoo aan weli laga jawaabin su’aalo badan oo kiiskiisa ku xeeran, waxaana yar tallaabada loo qaaday in lagu raadraaco dadka xiriirka la yeeshay. suaa’ahaasi waxaa ka mida:
1- Ma caddahay, mase la ogaaan karaa sida uu cudurkan ku qaaday marxuumka..?
2- 24 saac kadib markii la ogaaday inuu cudurka sido ayuu geeriyooday, waxaa muuqata inuu muddo badan qabay cudurka, iyadoo aan la ogeyn oo sida qof caadi ah loola dhaqmayey..!
3- Muddo bil ka badan ayuu bukaan socod ahaa, isagoo qabay cudurro kale, laakiin markii xaaladiisu xumaatay waxaa la geeyay ilaa saddex isbitaal oo midkood in muddo ah lagu baxnaaniyey. Sow isbitaalladu ma noqon karaan halka uu ka faafayo cudurkani..?
4- Isbitaallada Muqdisho ma heystaan qalabyadii caafimaad ee looga baahnaa, mana jirto qaab ay ku ogaan karaan qofka qaba, si loo kala saaro dadka caadiga ah iyo kuwa cudurka looga shakiyo.. Waxaa muuqata inaysan isbitaallada badan ee caasimadda u diyaarsaneyn xaaladan.. Maxaa looga baahan yahay..?
5- Qoyska Marxuumka oo qaarkood is karaantiilay, waxaase tallaabo degdeg ah laga qaadin dadkii ku sugnaa isbitaalladii la geeyay, siiba kii ugu danbeeyay ee Aden Cadde oo magaalada ku dhex jira.
6- Dhaqaatiirtii caafimaadka, kalkaaliyeyaashii Marxuunka gacanta ku hayey iyo dadkii booqday oo magaalada ku dhex jira maxaa tallaabo laga qaaday..?
Arrimahan oo dhan waxay caddeyn u yihiin sida wasaaradda caafimaadka iyo Isbitaallada Muqdisho iyo dadka caadiga ah ula dhaqmayaan cudurkan, waxaana jirta is-dhigasho iyo jawaab degdeg ah oo laga bixineynin kiisaska sidaas halista u ah.
Wasaaradda Caafimaadka oo horaantii Bishii Maarso sheegtay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus in laga helay qof ka yimid Shiinaha, ayaa muddo kadib qoraal ku sheegtay in la raadinayo dadkii uu diyaaradda lasoo raacay, mana jirin wax tallaabo ah oo la qaaday xilligaas kadib, waxaana hadda muuqata in natiijadii kasoo shaac baxday gudaha caasimadda muddo bil ku dhow kadib.