Mid ka mida odayaasha dhaqanka iyo isimada degaanada Puntand ayaa sheegay inuu xabsiga dhigay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Suldaan C/casiis Afgaduud ayaa xiriir uu la sameeyaya warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyay inuu ku xiran yahay saldhiga Booliska degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.
Suldaanka ayaa ku eedeeyay inuu xarigiisa ka dambeeyo Ra’iisal wasaaraha waqtigiisa dhammaaday ee Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Wararka ayaa sheegaya in suldaanka oo ah nin aftahan ah, aadna ugu kacsan siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland xarigiisu ka dhashay arrimo siyaasadeed iyo ololaha doorashada.
Wadani.com