Waxgarad iyo odayaal shir ku yeeshay magaalada Muqdisho oo uu hormuud u ahaa suldaanka Beesha Biyamaal Suldaan Axmed Suldaan Maxamed Cali ayaa looga digay inaysan beeshaasi lahayn suldaan aan ahayn suldaankooda asalka ahaa, waxaana lagu eedeeyay qurbo joog beesha ka tirsan iyo xubno kale inay suldaan been abuur ah u sameeyeen Beeshaasi.

Suldaanka afar iyo adeer Suldaan Axmed Suldaan Maxamed Cali ayaa shirka ka sheegay inuu ka digayo xilalka beenta ah ee la sheeganayo, wuxuuna ogeysiis gaara u diray beesha Dir isagoo caddeeyay inay ka digtoonaadaan arrimaha qaska ah ee lagu wado dhaqanka beesha Biyamaal.
Odayaal iyo waxgarad kale oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in weligood uu suldaan u ahaa Beesha Biyamaal Suldaan Axmed Suldaan Maxamed Cali, isla markaana aan la aqbali karin in qas lagu abuuro oo madax dhaqameed been ah la keeno.
Xilliyada ay soo dhowaadaan isbedelka dowladaha ayaa caadiyaan waxaa soo baxa odayaal cusub oo la duubo iyo is qabqabsi ka dhex dhaca duubabka taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda siyaasadeed ee dalka oo odayaashu ay weli kaalin weyn ku leeyihiin.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib mrkii 10-kii bishan Magaalada Marka lagu caleemo saaray Suldaan Cusub oo ay yeelneyso Beesha Biimaal oo lagu magacaabo Suldaan Ibraahin C/llaahi Caddow. Xidhibaan C/raxmaan Ibi ayaa la sheegay inuu taageerayo suldaankan oo xiriir dhow la leh, iyadoo suldaanka dhowaan Marka lagu caleemo saaray ay ka soo horjeedaan.
Wadani.com