Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Suuqa Bakaaraha oo maalintii 3-aad u xiran Canshuur ay kusoo rogtay Dowlada Somalia iyo xeelad cusub…

    Suuqa Bakaaraha oo maalintii 3-aad u xiran Canshuur ay kusoo rogtay Dowlada Somalia iyo xeelad cusub…

    August 20, 2024Updated:August 20, 20242 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Inta badan ganacsigii Suuqa ugu weyn Soomaalida ee Bakaaraha ayaa xiran, kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya soo rogtay Canshuurta iibka 18-kii bishan.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa inay si qasab ah ku dhaqan geliso Canshuurta IIBKA, waxaase diidmo kala hor yimid Ganacsatada Muqdisho, iyadoo jaha-wareer ka dhashay qaabka loo qaadayo iyo cidda laga qaadayo.

    Labadii maalmood ee ugu danbeeyay waxa socday bannaanbaxyo iyo shaqo joojin qeyb ahaan ka dhacday Suuqa Bakaaraha oo lagu diidan yahay canshuurtan, inkastoo dowladda ay sheegtay inay heshiis la gaartay Ganacsatada.

    Xogta laga helay Ganacsatada ayaa sheegeysa in dowladda Federaalka ay bilowday inay ciidamo u adeegsado fulinta Canshuurtan, waxaana goobaha Ganacsiga ee furan lagu arkay ciidamo ka tirsan Dharcadka NISA oo ku wareegaya, si ay u hubiyaan inay shaqeyneyso canshuurtan.

    Inta badan Ganacsatada Muqdisho ayaa helay qaab ay uga baxsadaan Canshuurta ee dowladda Xasan Sheekh soo rogtay, waxayna la yimaadeen xeelad ah inaysan isticmaalin Akoonada Ganacsiga.

    Dadka wax iibsanaya ayaa dhinacood la yimid xeelad ah inaysan lacag ku bixin Akoon Ganacsi, halka dadka qaarkood ay lacago Kaash ah adeegsanayaan, waxayna dadweynaha iyo Ganacsatada ka siman yihiin inay intii suuragal ah ka baxsadaan Canshuurtan.

    Heshiiska lagu qaabayo Canshuurtan ayaa dhex maray Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada, waxayna canshuurtan ka go’eysaa Qofka wax iibsanaya, balse wax saameyn ah kuma yeelaneyso Ganacsadaha, taasoo ka dhigan iyo labadii awood ee dowladda iyo ganacsatada ay u heshiiyeen IIBSADAHA.

    Cabsida ganacsatada heysa ayaa ah in wax iibsigu uu si weyn hoos ugu dhaco, halka Ganacsatada qaarkood aysan fahamsaneyn Canshuurta Iibka.

    In ciidamo loo adeegso canshuur dadka lagu qasbayo xilligan waxay kaliya dhalin kartaa inuu sii xumaado xiriirka dadka iyo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo sumcadeeda si weyn hoos ugu dhacday.

    Waxay kaloo Canshuurtan abuureysaa culeys dhaqaale, Suuq fadhi iyo khalkhal ku  yimaada Ganacsiga guud ee dalka.

    Bakaaraha Canshuur Muqdisho Top VAT
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliya oo kashifay Lacag ka badan 6 Milyan Dollar oo DFS u dirtay Siciid Deni
    Next Article Qarax Is-miidaamin ah oo lagu qaaday Saldhigga Ciidamada NISA ee Garas baalley iyo Faahfaahin

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo