Suurgaddoon (Gabay)
Waxaan halkan ku soo gudbinayaa Gabay uu tiriyay Xuseen Cabdi Xalane, oo noqday Wasiirka Maaliyadda Xilligii Madaxweyne Shiikh Shariif iyo mar kale Xilligan Madaxweyne Xasan Shiikh. Gabayga oo uu aniga igu hal qabsaday, isla Gabyaaga ayaa u qoray araarta. Wuxuu yiri Xalane:
Anigoo London maraya ayaa Yusuf Garaad oo ah madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee BBC igu yidhi “barrito Istuudiyaha noogu imow aan wareysi kaa qabannee”. Habeenki baan ka fikirey arrintaas, waxaana igu soo dhacdey, tolow ninka Soomaaliga ah ee waxgaradka ah maanta muxuu sheegi karaa, Yusuf Garaadse ciddee wax garanaysa oo uu hadalka gaadhsiin karaa. Waxaa intaas dheer khatarta ah in warkaad sheegto qolo dhibsato iyagoo kuu arkaya nin afqabiil ku hadlaya taasoo sii hurin karta colaadaha. Gabaygan aan Yusuf ku halqabsaday tilmaan ka bixinta xaaladda Soomaaliya ka sokow arrimahaas buu wax ka ifinayaa.
Waa suurgaddoon Yuusufow, gadahan muuqdaaye
Maandhow afkaa loo ganbiyey, guul wixii jiraye
Adaa gaafan mooyeen tolkaa, geesi ka idlaaye
Gaashaanliyo sargaal gaammuriyo, gaadh hayihi beesha
Jananadi garbaha buuxsadiyo, geeshka taladiisa
La gumaad raggii gali yiqiin, gaylan dirireede
Raggi talada loo geyni jirey, nabad ha goobeene
Gadhcastiyo garaadyadi la madhi, ganafta weyne
Mooryaantaa dalkii goofisiyo, gaangis baa hadhaye
Ciddeed hadalka gaadhsiin rabtaa, oo wax garanaysa
Xamartaad bidhaan garan jirtee, gabi hillaacaysey
Wixii daar gamaamnayd wixii, fawqayo lagu gaarey
Gumucii gun iyo baar rasaas, lagu garaacaayey
Waa gidaar dalooliyo dhulaan, guri u nooleyne
Ma guurtiyo hantidi guud taniyo, gaalo laga reebay
Nin waluba intuu gaadhi karay, goosay tabartiise
Jidaad garan jid xaafado ku geyn, waa horuu gudhaye
Waa godad biyeed laamiyadi, giigsanaan jiraye
Gawaadhida gurrani gees walbay, gabi u jiidhaane
Geddii beledka loo gooshi jirey, laga gawaan raacye
Waayarradi la goo iyo xadhkihi, laydhka gayn jireye
Gudcur iyo mugday gudi hayaan, goosaankaa hadhaye
Waa galangal madhan ceelashay, gogoshu kuu tiile
Gabbal baa ku dumey reer tolkaa, geedu joogaba e’
Ciddeed hadalka gaadhsiin rabtaa, oo wax garanaysa
Gacalkaa isnacay eedahaa, beesha kala geeyey
Galinkiyo dagaal lagu go’iyo, gawraciyo meydka
Islaamaha gablamay reerahaan, gaban u soo cayman
Islaamaha asaydii gu’ hore, wali ku gawriirto
Gagsan waa dadkeenii waa kaa, gees walbow qaxaye
Galbeed iyo sharqiba maatadaa, gaalo ehel moodey
Asalguurka dhacay ceebahaa, saaran guradeenna
Waxaasoo gubtaanyo ah anoo, gudub u eegaaya
Gawgawda hadal gaabanoon, dunida gaadhsiiyo
Maandhow wuxuu gali karaa, waanan garanayne
Caqligaa gabaabsiyey dadkaa, maanki laga guurshay
Ninkii hadalsan gaadhsii yidhaa, way gurracayaane
Gabal gaabtay iyo BBC, fiid warkaad galiso
Guulaamooyinkay sii hurshaan, godobti aasneyde
Intay taladu geed saaran tahay, soo gondegi weydey
Gawraarta dheer iyo intay, gabi ka laadlaado
Ee collaadan guunka ah le helin, xalaan ku soo goyno
Inaan gaabsannaa ila habboon, yeynan sii gubane
[spacer color=”00034F” icon=”Select a Icon” style=”3″]
Raadreeb: in kastoon marar badan ka hadlay BBC, haddana waxaan doortey in aanan siyaasadda ka hadlin mar hadday sidaas u murugsan tahay, balse aan suugaanta siiba gabayga iyo dhaqanka xoogga saaro.
Xigasho: Yusuf-garaad.blogspot.com