Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed ayaa sheegay amniga caasimadda Muqdisho uu hoos tago dowladda Federaalka, isla amrkaana aanu gacanta ugu jirin maamulka G/Banaadir.
Duqii hore ee Muqdisho oo ka hadlayey Qarixii weynaa ee 14-ka Oktoobar ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, xilligaas oo uu ahaa Guddoomiyaha G/banaadir ayaa sheegay in amniga caasimadda ay gacanta ku heyso dowladda dhexe, iyadana ay mas’uuliyadiisa qaadeyso. lana weydiinayo wixii ka dhaca, wuxuuna intaas ku daray inuu marar badan sheegay, lana wadaagay madaxda sare in amniga caasimadda laga dhigo mid goboleed oo dadku degaanku leeyihiin.
Taabit oo wareysi siiyay telefishanka TRT ee Turkiga ayaa caddeeyay inaan amniga Caasimadda la sugi karin inta laga dhigayo mid ay leeyihiin dadka degaanka, sida Hargeysa, Garowe iyo Boosaaso, loona baahan yahay in ciidamada amniga heer degmo iyo heer Gobol la xoojiyo, mas’uuliyadiisana lagu wareejiyo Gobolka Banaadir, taasoo uu marar badan hore u sheegay.
HOOS KA DAAWO