Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho u magacaabay nin ay saaxiibo dhow yihiin.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabaa Taabit Cabdi Maxamed, wuxuuna hore u ahaa safiir ku xigeenka Soomaaliya ee magaalada Washington.
Taabit ayaa ka mid ahaa saaxiibada ugu dhow madaxweynaha oo ka dhex muuqday ololihii doorashada madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana golaha wasiirada looga reebay in xilkan loo magacaabo.
Madaxweyne kasta oo Villa Somalia yimaada ayay caado u noqotay inuu Gobolka Banaadir u magacaabo shaqsi ay isku dhow yihiin, maadaama caasimaddu ay tahay halka kaliya ee dhaqaalaha ay ka hesho dowladda.
Wadani.com