Wasiirada, Xildhibaanada iyo taageerayaasha dowladii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu farxay warbixin uu soo saaray Bankiga Adduunka.
Warbixintan oo ku saabsan Xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay xaaladda dhaqaalaha dalka, caqabadaha heysta iyo kororka dhaqaalaha sanadihii la soo dhaafay, iyadoo lagu saadaaliyay sanadaha soo socda.
Warbixinta ayaa sheegtay in sanadkii 2016 ay dowladda kharashka ugu badan ku bixisay arrimaha maamulka oo miisaaniyadda ka ahaa 68%, nabadgeylada ayaa lagu bixiyay 28%, halka adeegyada lagu bixiyay 2%.
Qeybta warbixinta ku jirta ee taageerayaasha dowladii Xasan Sheekh u riyaaqeen, isla markaana si weyn u buunbuuniyeen ayaa ah in wax-soorsaarka GBP ee Soomaaliya uu sanadihii 2015 iyo 2016 kordhay 5% iyo 6% sida ay u kala horeeyaan, iyadoo haddana la saadaaliyay in sanadkan 2017 uu hoos u dhac imaan doono.
https://twitter.com/Marawayne/status/892867727936937984