Taageerayaasha Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inay wadaan dadaalkoodii ugu danbeeyay sidii ay uga hortegi lahaayen mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaare C/weli ee horyaala guddoonka Baarlamaanka iyagoo yeelanaya kulan kale oo ay ku hubinayaan tirada ay ka heystaan xildhibaanada baarlamaanka ee kala qeybsan.
Ku dhowaad 100 xildhibaan ayaa la sheegay inay taageersan yihiin Ra’iisal wasaaraha, laakiin lama hubo inta saxda ah ee uu isku haleyn karo haddii mooshinka la keeno Baarlamaanka. Waxayna wararku sheegayaan in dhibaatooyin badan ay heystaan Ra’iisal wasaaraha iyo kooxdiisa haba ugu darnaato dhinaca dhaqaalaha oo ay si weyn uga horeeyaan kooxda madaxweynaha.
Rajada ay heystaan kooxda taageersan Ra’iisal wasaaraha ayaa ah culeyska beesha caalamka saareyso madaxweynaha iyo mudadda kooban ee guddoonka Baarlamaanka uu hakiyay mooshinka, waxaase cad in ugu danbeyn baarlamaanka lagu kala bixi doono, qaabkii ay u dhacdaba.
Qorshayaasha kooxda dantu isu keentay ee taageersan Ra’iisal wasaaraha la safan waxay u kala horeeyaan sida soo socota:
[blockquote style=”1″]In laga faa’iideysto Beesha Caalamka oo ka horjeeda xilligan in la rido xukuumadda.[/blockquote]
[blockquote style=”1″]Inuusan sharci ahayn mooshinka ka yaala Ra’iisal wasaraha oo aanu ka imaan Baarlamaan ee khilaaf siyaasadeed tahay [/blockquote]
[blockquote style=”1″]In la cabsi geliyo loona digo guddoonka Baarlamaanka, haddii uu mooshinkaas furo in dhibaato ka dhici doonto la iskuna dili doono gudaha Baarlamaanka[/blockquote]
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]