Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Taageerayaasha Trump oo laga saaray Xaruntii Koongareska ee ay qabsadeen & Trump oo wajahaya casilaad

    Taageerayaasha Trump oo laga saaray Xaruntii Koongareska ee ay qabsadeen & Trump oo wajahaya casilaad

    January 7, 2021Updated:January 7, 20213 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Taegeerayaasha madaxweyne Donald Trump oo kumanaan ah oo xoog ku qabsaday muddo saacado ah xarunta Koongareeska Mareykanka ee Capitol Hill ee magaalada Washington D.C ayaa laga saaray markii ay farageliyeen ciidamo gurmad ah oo loo diary halkaasi.

    Bannnaabaxayaal uu soo abaabulay Madaxweyne Trump ayaa jiiray biro iyo dhagxaan iyo ciidamo booliska ah oo lagu wareejiyay dhismaha Capitol Hill, waxayna gudaha u galeen xarunta Koongareeska oo uu ka socday fadhi ay u dhammaayeen labada Aqal ee Golaha Koongareeska, kaasoo ay ku ansixinayeen codadki ay Ergooyinka Gobollada ee Electoral Collage-ka bishi hore ku doorteen madaxweyne Joe Biden.


    Mudanayaasha labada aqal ee Koonagreeska Mareykanka ayaa loo daad gureeyay xarun ammaan ah, muddo saacado ah kaddib ayaa dib loogu soo celiyay howlki uu shirka ka socday, kaddib marki ay booliska soo celiyeen amaanka iyo kala danbeynta.

    Arrintan waxaa cambaareeyay dhamaan mudanayaasha labada xisbi, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka, hogaamiyaasha Koongareeska iyo siyaasiyiinta Mareykanka, iyadoo falka lagu weeraray xarunta Koongareska Mareykanka ku sheegay inqilaab dimoqraadiyadda Mareykanka.

    Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa weerarkaasi ku sheegtay mid aanan kaliya xadgudub ku aheyn dimoqraadiyadda Mareykanka balse ah kacdoon ka dhan ah dowladda.

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo shir gudoominayay kulanki Arbacadi ee labada Aqal ee Koongareeska ayaa u sheegay kooxihi xooga ku qabsaday xarunta baarlamaanka in ay guuldarresteen, isla markaana ay xorriyadda iyo dimoqraadiyadda guuleystay.

    Booliska magaalada Washington ayaa xaqiijiyay, in afar qof ku dhinteen rabshadaha ka dhacay xarunta Kongareeska, kaddib markii ay taageerasyaasha ku qamaameen xaruntaasi.

    Haweeneyda ah Duqa magaalada Washington D.C ayaa magaalada gelisay Bandow ka billowday xalay lixdi maqribnimo xilliga Washington, kaasoo ku eg lixda aroodnimo ee Khamiista. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Virginia oo deris la ah caasimadda, ayaa bandow xalay geliyay magaalooyinka Arlington iyo Alexdandia oo ay xuduud wadaagaan Washington D.C.

    Tagitaanka ay taageerayaasha Trump tageen xarunta Capital Hill ayaa ka danbeysay waxyar kaddib marki uu madaxweyne Trump kula soo hadlay bannaanbax ay isaga ku taageereen oo ka dhacay isla magaalada Washington D.C., Trump ayaa bannaanbaxaasi ka sheegay, in uusan waligiis aqbali doonin in doorashada looga guuleystay.

    Trump oo aanan si toos ah u cambaareyn rabshadihi ay taageerayaashiisa ka dhigeen xarunta baarlamaanka, ayaa bartiisa twiterka qoraal iyo muuqaal uu soo dhigay ku boorriyay taageerayaashiisa, in ay guryahooda aadan.

    Baraha Bulshada ku xiriirto, sida Twitter iyo Youtube ayaa muuqaalkaasi ka qaaday barahooda. Sidoo kale Twitter ayaa muddo 12 saacadood ah ka xannibay madaxweyne Trump cinwaanka uu leeyahay bartaasi, iyadoo laga digay in gebi ahaan hawada laga saari doono.

    Mudanayaal ka tirsan xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa si isku mida ugu baaqay madaxweyne ku xigeenka Joe Biden inuu qaado tallaabo lagu dhaqan gelinayo qodobka 25-aad oo lagu casilayo Madaxweyne Trump; waxaana sii kordhaya xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee taageerada kala noqday Trump.

    Trump Trump Impeachment US Elections US Senete
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTaageerayaasha Donald Trump oo ku qamaamay Xarunta Koongareeska iyo kulankii meel marinta oo la joojiyay..
    Next Article Gaari ay wateen Ciidamo oo lagu Qarxiyey Magaalada Muqdisho iyo faahfaahin laga helay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo