Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Taariikh Nololeedka Cali Mahdi, sidii uu ku Geeriyooday iyo dhacdooyinkii waaweynaa ee soo maray (Warbixin)

    Taariikh Nololeedka Cali Mahdi, sidii uu ku Geeriyooday iyo dhacdooyinkii waaweynaa ee soo maray (Warbixin)

    March 11, 2021Updated:March 11, 20215 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Am 26. Januar 1991 musste Barre Mogadischu verlassen. Um seine Nachfolge brachen bald schwere Kämpfe zwischen den USC-Führern Aidid und Ali Mahdi Mohammed aus, die in den anhaltenden somalischen Bürgerkrieg mündeten.Zwischen den Clans geteilte Hauptstadt Mogadischu: Im südlichen Teil kontrolliert General Aidid (USC- United Somali Congress) von Habergedir-Clan, im nördlichen Teil der Stadt kontrolliert Interimspräsident Ali Mahdi Mohammed von Abgal-Clan.Foto: Interimspräsident Ali Mahdi im nördlichen Teil der Hauptstadt von Mogadischu, 20.02.1992.
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa xalay Isbitaal ku taalla magaalada Nairobi ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, waxaana la sheegay inuu Muqdisho ku xanuunsadeen isaga iyo xaaskiisa, kadibna loo qaaday dalka Kenya.

    Dhaqaatiirta xaaladiisa la tacaaleysay ayaa sheegtay inuu u geeriyooday cudurro badan oo is-biirsaday, taasoo keenay inuu miyir beel ( Coma) galo saacadihii ka horeeyay geeridiida; markii danbena ay caddaatay in isaga yo xaaskiisaba ay qabeen xanuunka Covid-19.

    “Afar ama shan cisho kahor ayuu xanuun kusoo booday isaga iyo xaaskiisa, Isbitaalka Nairobi hospital ayaa la geeyay, marka hore waxaan uga shakinay cudurka corona balse dhaqtarka wuxuu inoo sheegay in labaduba uusan heynin corona” ayuu yiri Prof. Yaxye Caamir oo ka mida dadka saaxiibka la ahaa.

    Waxaa weli xanuunsan xaaska Cali Mahdi oo ku jirta isbitaalka oo xaaladeedu culus tahay, iyadoo lagula tacaalayo Nairobi Hospital. Waxaa tacsi u diray Marxuum Cali Mahdi dhammaan madaxda dalka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana si weyn looga dareemay baraha bulshada.

    Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay Guddi qabanqaabiya aas qaran oo loo sameynayo Marxuum Cali Mahdi, waxaana hoos loo dhigay calanka, si loogu baroor diiqo geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

    AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKIISA

    Photo: Interimspräsident Ali Mahdi im nördlichen Teil der Hauptstadt von Mogadischu, 20.02.1992.

    Wuxuu Cali Mahdi ku dhashay Degaanka Caddow Uul ee hoostaga degmada Cadalle, Gobolka Sh/DHexe ee Soomaaliya sanadkii 1938dii.

    Cali Mahdi Maxamed wuxuu sanadkii 1968kii ka mid noqday baarlamaankii Soomaaliya ee ugu dambeeyay ee si dmoqraadi ah loo soo doorto, ka dibna uu afgembiga dalka kula wareegay kacaankii Maxamed Siyaad Barre.

    Markii ay talada dalka xoogga kula wareegeen ciidamadu wuxuu u wareegay ganacsiga wuxuu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanno, isagoo furrtay HOTEL MAKA AL-MUKARAMA.

    Sanadihii ugu dambeeyay ee maamulkii dowldii Siyaad Barre wuxuu ka mid ahaa xubnihii la magac baxay MANIFESTO ee soo saaray bayaankii loogu baaqay inuu dalka u turo oo talada isaga dego madaxweyne Siyaad Barre.

    Dabayaaqadii sanadkii 1989kii wuxuu ka cararay dalka isagoo tegay Talyaaniga markii Siyaad Barre xarig kula dhaqaaqay odayaashii Manifesto, wuxuna dalka ku laabtay dhicitaankii Siyaad Barre, isagoo Guddigii Suluxa ay u doorteen inuu noqdo madaxweyne KMG ah mudada ka horreysa shirweyne dib u heshiin oo loo qabto dadka Soomaaliyeed.

    Shirkii 1aad ee lagu qabtay dalka Jabuuti ka dib waxaa loo doortay mar kale in uu dalka madaxweyne ka noqdo, waxaana taasi ka hor yimid hogamiyihii USC-da General Max’ed Faarax Ceydiid, taasoo dhalisay inuu dagaal sokeeye oo lagu hoobtay uu ka dhaco magaalada Muqdisho oo u kala qeybsantay laba qeybood oo ay ka kala taliyaan Cali Mahdi Iyo Jen. Ceydiid.

    Dagaalkan oo bilowday 17kii bishii Novembar sanadkii 1991dii wuxuu dhammaaday 03-dii bsihii Maarso sanadkii 1992dii. Dagaalka waxaa laga dhaxlay macaluushii ugu weyn ee abid ka dhacda Soomaaliya, taasoo keentay HOWLGALKII RAJO SOO CELINTA ee Mareykanku hoggaaminayey oo Soomaaliya milateri ahaan lagu soo farageliyey si gargaar loo gaarsiiso dadkii tabaaleysnaa.

    Bishii maarso sanadkii 1996dii waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii garab ka mida dhinacyadii uu u kala jabay ururkii USC B USC/SSA , kadibna wuxuu madax ka noqday Isbaheysigii lagu magacaabi jiray Isbaheysiga Badbaadada Soomaaliyeed ee SSA.

    Shir ka dhacay dalka Ethiopia sanadkii 1997dii wuxuu ka mid noqday guddoonka Golihii lagu magacaabi jiray Golaha Badbaadada Qaranka NSC.

    Heshiiskii Qaahira 1997 wuxuu guddoon wadaag ah la sameystay Xuseen Maxamed Ceydiid Guddoonkaasina waxaa lagu magacaabi jiray “LA GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR”, markii uu shaqeyn waayay maamulkooduna wuxuu si KMG ah uga fariistay siyaasaddii dalka. Arrintan waxay dagaal kale ka dhalisay W/Muqdisho oo Muuse Suudi uu la wareegay qeybo ka mida sanadkii 1999-ka.

    Wuxuu qeyb ka ahaa shirkii Carte ee dowladda Jabuuti u qabanqabisay Soomaalida, isagoo tartan u galay xilka Madaxweynaha, balse uu kaga guuleystay C/qaasim Salaad Xasan , halkaasi uu xilkii ku wareejiyay.

    Kadib wuxuu ka fariistay siyaasadda isagoo Muqdisho ku noolaa inta badan, kana mid ahaa siyaasiyiinta iyo odayaasha waaweyn ee aan dalka ka bixin xaalad kasta. Wuxuu lasoo shaqeeyay dowladii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

    Sanadkii 2007 wuxuu madax ka noqday Guddi dib u heshiisiin oo dowladii C/llaahi Yuusuf dhistay, wuxuuna qabtay shirweyne nabadeed oo beelaha Soomaaliyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho, shirkaaso ay hareysay joogitaankii ciidamada Itoobiya ee Koonfurta Soomaaliya.

    Wuxuu ka gaabsaday siyaasadda wixii ka danbeeyay sanadkii 2009, iyo dowladihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, isgoo magaalada ka bilaabay dhismaha daarta ugu dheer caasimadda oo dhinaca ku heysa xeebta Liido ee degmada C/casiis, isagoo sheegay inay leedahay xaaskiisa.

    2020 Wuxuu Muqdisho ka bilaabay olole nabadeed oo lagu mideynayo beeshiisa, wuxuuna noqday Guddoomiyaha guddiga hoggaanka beesha uu kasoo jeedo ujeedkiisuna ahaa in dib u heshiisiinta la gaarsiiyo beelaha Soomaalida oo dhan.

    Marxuum Cali Mahdi wuxuu aad uga horjeeday qaabka ay wax ku wado dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmajo, isagoo mar diiday inuu qaato Aqoonsi markii ciidamada dowladda u diideen inuu maro qaar ka mida wadooyinka Muqdisho.

    Xalay oo Bishu ahayd 10 Maarso 2021 ayuu ku geeriyooday Isbitaalka Nairobi Hospital, waxaana geeridiisa laga dareemay Soomaalida dhexdeeda.

    Wadani

    Ali Mahdi Mohamed Cali Mahdi Geeri Taariikh nololeedka Cali Mahdi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddi qabanqaabinaya Aaska Qaran ee Marxuum Cali Mahdi oo la magacaabay (Akhriso Magacyada)
    Next Article Maxay ka wadahadleen Safiirka Mareykanka iyo Axmed Madoobe..? (Kulan ka dhacay Xarunta Xalane)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo