Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Taariikhda Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir?

    Taariikhda Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir?

    November 21, 20222 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay 20, November 2022 wareegto kasoo baxday xafiiskiisa ugu magacaabay xilka gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale (Xasan Dheere).

    Magacaabistan ayaa buuxisay xilka  ugu muhiimsan ee Gudoonka Gobolka Banaadir  ee  Arrimaha dib u dhiska iyo horumarinta Caasimadda Muqdisho oo ah gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee caasimadda dalka.

    Mas’uulka xilkan loo magacanaay Mudane Xasan Maxamed Jimcale ayaa ah siyaasi waaga-arag iyo Aaqoonyahan ah oo maamulka iyo siyaasadda ku jiray laga soo bilaabo dowladii lagu soo dhisay shirkii Carte, sanadkii 2000.

    Wuxuu qeyb ka ahaa aasaaskii Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee 135 oo ah kuwa rasmiga ah oo asaas u ah dowladnimada Soomaaliya.  Dhinaca kale waxaa lagu xasuustaa shaqadii uu kasoo qabtay Dib u qaabeyntii ugu horeysay ee Garsoorka dalka sanadkii 2013.

    Xasan Jimcaale wuxuu  la soo shaqeeyay Madaxweyneyaasha kala ah: Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo dhowr Xukuumadood ka ahaa Wasiir, gaar ahaan wuxuu  kaalin ku lahaa dhameystirka Dastuurka KMG ah, iyo Doorashadii ugu horeysay ee dalka Gudihiisa lagu qabtay Sanadkii 2012, xilligaas oo uu ahaa gudoomiyihii Guddiga Road Map-ka iyo Logistikada.

    Wuxuu xilalka kala ah: Wasiir ku xigeen iyo wasiiru Dowle kasoo qabtay wasaarado kala duwan oo ay ka mid yihiin: Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federalka iyo Dib u heshiisiinta  iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska. Wuxuu sidoo kale soo noqday la-taliyaha Sare ee Arrimaha siyaasadda Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka. 

    Mr. Jimcaale wuxuu kaloo lasoo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo isugu jiro Local iyo International, isgoo ka mid ahaa Bahda Waxbarashada, gaar ahaan Bulshada rayidka oo kaalin weyn ku laheyd dhismaha Dowladnimada iyo Nabada Soomaaliya, gaar ahaan shirweynihii Carta ee dib loogu dhisay dowladnimada Soomaaliya.

    Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Gobolka Banaadir u qaabilsan Howlaha Guud Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye wuxuu khibrad iyo muuqaal cusub kusoo kordhin doonaa maamulka Gobolka Banaadir oo xilligan u baahan isbedel muuqda.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHorjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Howlgal Qorsheysan oo ka dhacay…
    Next Article Ciyaal-weero Dib u soo noolaaday iyo Wiil dhalinyaro oo ay ku dileen xaafad ka mida Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo