Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Taariikhda Marxuum Wasiirka Cabaas Siraaje iyo Qoyskiisa Reer Afmadow [Akhriso]

    Taariikhda Marxuum Wasiirka Cabaas Siraaje iyo Qoyskiisa Reer Afmadow [Akhriso]

    May 4, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Allaha ha u naxariistee waxaa toogasho lagu diley wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta federaalka, ahaana xildhibaan baarlamaanka federaalka Mudane Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaje, haddana qormadani waxaan ku eegayaa sooyaalka qoyska marxuumka.

    Cabaas waxa uu kasoo jeedaa qoys culumo ah fac ka fac, waxaana si weyn loo garanayaa awoowgiis Sheekh Siraaje Aw Aadan oo ahaa caalim weyn oo diinta islaamka laga raacdo degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose muddo hadda qarni laga joogo.

    Sheekh Siraaje waxa ay isku xer ahaayeen labadeyda awoow ee Sheekh Bashiir Cabdi Shiil oo aabahay dhalay iyo Sheekh Guure Muxumed Saleebaan oo hooyadey dhalay iyo waliba sheekhii kale ee Afmadoow caanka ka ahaa Sheekh Cabdullaahi Cawlyahan.

    Sheekhnimada ka sokoow wuxuu Sheekh Siraaje ahaa malaha qofkii ugu edebta badnaa, uguna afgaabnaa ee aad ebed ka fikiri karto, marka uu soconayo xitaa waxaa la sheegey in uu dhulka eegi jirey.

    Balse nasiib darro Sheekh Siraaje waxaa masaajidka weyn ee Afmadoow dhexdiisa ku diley nin miyirka looga jirey oo isaga oo kabaha qaba masaajidka galay, kadibna uu Sheekh Siraaje ku yiri kabaha iska bixi, kadibna ninkii waalnaa uu dhagax weyn madaxa kaga dhuftey.

    Aaskii Sheekh Siraaje waxaa la sheegaa in uu ka mid ahaa aasaskii ugu waaweynaa ee taariikhda inta la xusuusto ka dhacay Afmadoow.

    Balse mucjisada dhacday Dr. Haajir Sheekh Siraaje oo wiilasha uu sheekha dhalay ugu weynaa waa uu diidey in uu qaato mag ama ninkii dilka geystey loo qisaaso, waxaana laga soo xigtey in uu yiri “Aabaheey faraska janada haka haleynina”.

    Ninkii Sheekh Diley wuxuu markii dambe ku dhintey magaalada Qooqaani isaga oo meel darbi ah ku dacdareysan.

    Sheekh Siraaje wuxuu dhalay 4 wiil oo kala ahaa Xaajir, Caabud, Cabdullaahi iyo Sheekh Nuur.
    Cabaas waxaa dhalay Cabdullaahi, horaantii sagaashameeyadii ayayna u qaxeen xerooyinka qaxootiga halkaasi oo uu illaa dugsiga sare kaga baxay.

    Aniga aqoon shaqsiyan uma aanan lahayn Cabaas markii hore, balse bishii Novembar 2016-kii xiligii la xulayay baarlamaanka federaalka, ayaan aniga waxaan hormuud ka ahaa tabinta tooska ah ee codbixinta, nasiib wanaag qolkii aan ka tabinayay doorashada ayuu kusoo aaday kursiga Cabaas ee Beesha Hubeer ee Digil iyo Mirifle.

    Kursiga waxaa muddo dheer ku fadhiyey Wasiir Beekoos oo ahaa nin oday ah, waxaana qof kasta ka yaabisey sida wiilkan dhalinyarada ah ee qaxootiyada ka yimid, islamarkaasina aanan xitaa lacagta heysanin uu oga badiyey ninkii wasiirka ahaa, kursigana muddada dheer kusoo fadhiyey.

    Kadib ayaan isla jaanqaadnay aniga iyo Cabbaas, waxaanan gartay qoyskooda maadaamaa awoowgiis iyo awoowayaasheey ay saaxiibo isku dhinta ahaayeen.

    Saaxiibtinimadeena waa ay bulaashay, waxaa na dhexmaray talooyin iyo aragti isweeydaarsi, balamo mustaqbal fog ah .
    Maalintii golaha wasiirada loo magacaabay waxa uu ahaa wasiirka kaliya ee aan si shaqsi ah ugu hambalyeeyey.
    Caawo markii geeridiisa la iisoo sheegey waxa ay ahayd dhacdadii iigu xanuunka badneyd ee aan dhawaanahan la macaamilo.

    Waxaan Cabaas Alle oga baryayaa in jadanii firdawso ka waraabiyo, intii uu ka baxayna samir iyo iimaan alle ka siiyo.

    Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo)

    Dilka Wasiir Siraaji Taariikhda wasiir Siraaji Wasiir Siraaji
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo la wareegtay ilaaladii Hanti-dhowrka ee dishay Wasiir Siraaji
    Next Article SAWIRRO: Aaska Wasiirkii Howlaha Guud oo ka dhacay Muqdisho & Madax ka qeyb gashay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo