Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa shaacisay war kale oo naxdin leh kuna saabsan in qaxooti ka badan 700 ay ku dhinteen xeebaha Talyaaniga iyagoo doonayay inay galaan Yurub.
UNHCR waxay sheegtay in dadka muhaajiriinta ah ay la socdeen saddex Doonyood oo buux dhaaf ahaa oo kula degay xeebaha Badda dhexe ee dalka Talyaaniga.
Afhayeenka UNHCR William Spindler, ayaa magaalada Geneva ka sheegay inay tahay musiibo kale oo dadka tahriiba soo wajahday, Doonta hore ayaa degtay Arbacadii hore, wxayna siday 600 ruux, waxaana la la’ yahay dadkii saarnaa oo dhan.
Khamiistii iyo Jimcihii ayaa la soo weriyay shilal Laba Doonyood galeen, waxaana laga cabsi qabaa in dadka tahriibayay ee dhintay ay gaarayaan 700 ruux.
Dadkan ayaa Doonyaha kasoo raacay dalka Liibiya, Doontii Khamiistii degtay ayaa la sheegay inay ku dhinteen 570 ruux.
Wadani.com