Taliska ciidamada asluubta ayaa war cad kasoo saaray maxbuus ku dhintay gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed C/Kariin Xasan Afrax ayaa beeniyay wararka heegayay in Maxbuuska inta uusan dhiman ka hor lagu xiray Konteenar, sida ay sheegeen ehelkiisa ama lagu duray irbad, sidaasina uu u dhintay.
Taliye xigeenka ciidamada Asluubta ayaa sheegay in geerida maxbuuska ay ka dhalatay kadib markii jug ka gaartay Ciyaar kubadda cagta ah oo maxaabiista loo qabtay, dagaalna uu dhex maray mid ka mida maxaabiista. Taliye xigeenka ayaa intaas ku daray in wiilkan oo 8 sano xukunnaa 7 ka mid ah u dhameystay, isagoo hal sano uu u harsanaa.
Ninka ay dagaalameen maxbuuska dhintay ayuu sheegay inuu xiran yahay, iyadoo meydka maxbuuska la geeyay xarunta dembi baarista CID-da oo baaritaan lagu hayo.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu maxbuuskan u dhintay, waxaana muuqata in xaalada xabsiga ka jirta aanay kala caddeyn.