Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey ciidamo ka tirsan Booliska oo Muqdisho ku dilay dad shacab maalmihii ugu danbeeyay.
Madaxa Waaxda canshuuraha ee Booliska Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa shir jaraa’id ka sheegay Magaaladaani Muqdisho ka sheegay inay gacanta ay kusoo dhigeen askar uu s falal dil ah ka geysatay magaalada Muqdisho, iyadoo loo gudbiyey xabsi, lana soo taagi doono maxkadamadda ciidamada.
“Anigoo ku hadlaya Magaca Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo kan Booliska waxaan idiin caddeynayaa inaan gacanta kusoo dhignay intii ugu badneyd askar dilal kala duwan geystay, waxaana u gudbinay maxkamada si cadaaladda loo marsiiyo” ayuu sheegay Jeneraal Bariise oo sheegay inay qaar ka mida askarta dembiyada geystay ay baxsadeen laguna raad joogo.
Wuxuu uga digay Ciidamada Booliska inay dadka shacabka ah ku xadgudbaan, wuxuuna sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan askarta dilka geysata ee kadib isku daya inay baxsadaan, wuxuuna dusha mas’uuliyaddaasi u saaray ciidamada ku sugan goobaha falalkaasi ka dhacaan.