Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska gabar yar oo dil naxdin leh loogu geystay magaalada Muqdisho, kadibna lagu qariyey Digsi weyn.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa warbaahinta u sheegay kiiska marxuumad Nafiso Cumar Axmed ee meydkeeda laga dhex helay guriga waalidkeed uu meel fiican marayo oo dad loo soo qabtay.
Afhayeenka ayaa caddeeyay in la hayo laba eedeysane oo koowaad iyo labaad kala ah, kuwaasoo oo la aamisan yahay inay falkaasi ka danbeeyeen, ayna soo bandhigi doonaan marka baarista kiiskaasi uu soo dhammaado.
Kiiska gabadha yar ayaa xaalad naxdin leh ka dhaliyey caasimadda ayaa baaristiisa waxaa qeyb ka ahaa xafiiska xeer ilaalinta guud iyo Hay’adda CID-da.
