Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray shaqo joojinta lagu sameeyay Hay’adda gargaarka degdegga ee Aamin Ambulance oo maamulkeeda ay shaaciyeen in Booliska degmada Hodon amar ku siiyey inaysan sahqeyn karin.
Taliye Zakiya Xuseen ayaa caddeysay inaysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance, waxayna intaas ku dartay in Hay’addan, Booliiska iyo Gobolka Banaadir waxay yeesheen kulan lagu lafa gurayo sidii wada shaqeyn dhow loo yeelan lahaa, ayna sii wadi doonnaa dadaallada lagu mideynaayo howlaha gurmadka.
“Waxaan uga mahadcelinaynaa Aamin Ambulance iyo cid walba oo gurmadka degdeg ah ka shaqeyso xilkasnimada iyo dadaalka ay muujiyeen. Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u wajahno xaaladaha degdeg ah ee yimaada, lagana gudbo isbarbaryaaca baahsan…” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliye ku xigeenka Booliska.
Jen. Zakiya Xuseen waxay beeninteedu ka dambeysay kadin markii madaxda Hay’adda Aamin Ambulance uu shaaciyey in amar uga yimid Booliska degmada Hodon looga dalbaday inay joojiyaan shaqada.
Shaki badan ayaa ku xeeran tallaabada uu Boolisku ku dhaqaaqay, waxaana wararka is khilaafsan ee mas’uuliyiinta dowladda laga fahmayaa inuu jiro qorshe laga damacsan yahay saxaafadda iyo gaadiidka gurmadka degdega ah, balse aan lagu dhiiran karin in la caddeeyo, taasoo keento in la beeniyo amarkii Taliska Booliska ee degmada Howlwadaag.